WARBIXIN: Manchester United oo u dhaqaaqday saxiixa daafac kale oo muhiim ah ka dib markii ay hubisay saxiixa Victor Lindelof

0
2555

Manchester United ayaa waxay sameysay saxiixeedii ugu horreeyey ee xagaagaan ka dib markii ay gacanta kusoo dhigtay daafaca dambeedka dhexe ee reer Sweden Victor Lindelof kaasoo ay Benfica kala heshiisay qiimihiisa lacageed.

Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa waxay haatan qorsheyneysaa inay gacanta kusoo dhigto daafac kale oo muhiim ah, waana ninka u ciyaara kooxda AS Monaco Fabinho kaasoo muddo dheer si xoogan loola xiriirinaayey inuu usoo dhaqaaqayo kooxda ka dhisan Old Trafford, sida ay ku warameyso shabakadda Manchester Evening News.

Shabakadda The Independent ee dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegeysa inay Man United horumar ka sameyneyso heshiiskaan, iyadoo ilo ku sugan dalka France ay sheegayaan in uusan daafaca reer Brazil qandaraaska u kordhin doonin kooxda Monaco.

Wargeysyka O Jogo ee dalka Portugal ayaa wuxuu intaas ku darayaa in heshiiska uu Fabinho ugu soo dhaqaaqayo Man United dhammeystirkiisa aysan wax badan ka dhimmaneyn.

Tababare Jose Mourinho ayaa wuxuu gacanta kusoo dhigi doonaa Fabinho oo ah daafac awood u leh inuu boosas badan ka ciyaaro, wuxuuna ka ciyaari karaa daafaca dambeedka midig, daafaca dambeedka dhexe, sidoo kalena wuxuu ka ciyaari karaa qadka dhexe ee daafaca.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan