Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda saakay oo Isniin ah

0
4104

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa xiriir la sameeyey wakiillada 18 sanno jirka weerarka ka ciyaara ee kooxda AS Monaco Kylian Mbappe, iyadoo Liverpool ay sarre u qaaday isku daygeeda ku aadan inay lasoo saxiixato xiddigaan lagu qiimeeyo 100ka milyan oo ginni. (Daily Mail).

Manchester United ayaa Isbuucaan dhammeystiri doonta heshiiska ku kacaya 31ka milyan oo ginni ee ay kula soo wareegeyso daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Benfica Victor Lindelof, laakiin imaanshiyaha ninka reer Sweden wuxuu la micno noqon doonaa inuu Man United ka huleelayo daafaca reer England Chris Smalling. (Daily Star).

Maamulaha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa wuxuu ku qanciyey weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata, oo 24 sanno jir ah, inuu kusoo biiro Red Devils, waxaana la filayaa inay Man United dalab rasmi ah ka gudbiso xiddiga reer Spain maanta oo Isniin ah. (Marca).

Morata ayaa wuxuu baraha bulshada si dadban ugu tilmaamay inuu go’aansaday inuu ku biiro kooxda weyn ee Manchester United, sababtoo ah xiddigaan ayaa jeclaaday ‘Liked’ farriin lasoo dhigay mareegaha Instagram oo xaqiijineysa inuu dhowaan ku biiri doono kooxda ka dhisan Old Trafford. (Metro).

Man United ayaa laga yaabaa inay heshiis muddo gaaban ah ka dalbato Zlatan Ibrahimovic inkastoo ay fasaxday 35 sanno jirkaan, balse waa haddii weeraryahanka u dhashay dalka Sweden uu si guul leh uga soo kabsado qalliinkii jillibka looga sameeyey. (Manchester Evening News).

Paris St-Germain ayaa tallaabo weyn u qaaday dhammeystirka 18 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda AS Monaco forward Kylian Mbappe, iyadoo ay xusid mudan tahay inay xiddiga reer France doonayaan kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Manchester United. (L’Equipe).

Chelsea ayaa ah kooxda ugu cadcad saxiixa kubadsameeyaha kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Colombia James Rodriguez, oo 25 sanno jir ah. (AS).

Liverpool ayaa diyaar u ah inay qaado tallaabadii ugu dambeysay ee ay xiddiga qadka dhexe ee reer England Alex Oxlade-Chamberlain, oo 23 sanno jir ah, uga dhaadhicineyso in uusan saxiixin heshiiska uu Isbuucii ku qaadanayo 100ka kun ee ginni ee ay usoo bandhigtaay kooxdiisa Arsenal. (Daily Express).

Manchester United waxay ku dhow dahay inay heshiis la meeldhigto burburiyaha qadka dhexe ee kooxda AS Monaco iyo xulka qaranka Brazil Fabinho, oo 23 sanno jir ah. (Manchester Evening News).

26 sanno jirka garabka uga ciyaara xulka Algeria Riyad Mahrez ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu xilli ciyaareedka cusub 2017 illaa 2018 sii joogi doono Leicester City, inkastoo uu caddeeyey inuu damacsan yahay inuu kooxdiisa ka tago xagaagaan. (Leicester Mercury).

Mahrez ayaana daaha ak qaaday in uusan weli helin wax dalab toos ah oo uga yimid kooxaha waa weyn ee Yurub. (Elheddaf Television & Sky Sports).

Xirfad ciyaareedka goolhayaha Manchester City iyo xulka England Joe Hart ayaa halis ku jirta, maadaama 30 sanno jirkaan oo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah kusoo joogay kooxda Torino uusan weli helin wax dalab ah. (Daily Mirror).

Si kastaba ha ahaatee, West Ham United ayaa diyaar u ah inay Hart usoo bandhigto fursad uu kusii joogo horyaalka England Premier League. (The Sun).

31 sanno jirka reer France Laurent Koscielny oo daafaca dambeedka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ayaa iska fogeeyey wararka la xiriirinaya kooxda Marseille wuxuuna daaha ka qaaday inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa Gunners. (Telefoot & ESPN).

23 sanno jirka weerarka ka ciyaara ee reer Italy Andrea Belotti wuxuu doonayaa inuu sii joogo kooxdiisa Torino, waxaana laga yaabaa inuu diido inuu ka tago Torino haddii aysan imaan koox bixineysa qiimaha 100ka milyan oo euros ah ee lagu burburin karo qandaraaskiisa, sidaas waxaa sheegay madaxweynaha Torino Urbano Cairo. (Radio 24 & Four Four Two).

Goolhayaha reer Italy Gianluigi Donnarumma, oo 18 sanno jir ah, ayaa wuxuu qandaraas cusub u saxiixi doonaa kooxdiisa AC Milan. (Corriere dello Sport).

Ugu dambeyntiina, Barcelona ayaa qarka u saaran inay dalab 88 milyan oo ginni ah ka gudbiso kubadsameeyaha reer Italy Marco Verratti ka dib markii 24 sanno jirkaani uu u sheegay maamulka kooxdiisa Paris St-Germain inuu doonayo inuu ka tago xagaagaan. (Daily Mail).

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan