Xilliga lasoo saarayo jadwalka isku aadka EPL, marka la bilaabi doono kulamada xilli ciyaareedka soo aadan & Sheeko ku saabsan horyaalka Ingiriiska 2017 illaa 2018

37
5585

Dhawaan waxaa lasoo afjaray xilli ciyaareedka horyaalka England Premier League 2016 illaa 2017. Dadkuna waxay durba isweydiinayaan marka uu soo laaban doono horyaalka xiisaha iyo xamaasadda badan ee Premier League.

Sheeko ku saabsan arrintaas iyo guud ahaan horyaallada Ingiriiska heerarkooda kala duwan ayaana maqaalkaan kusoo qaadan doonaa.

  • GOORMA AYAA LASOO SAARI DOONAA JADWALKA ISKU AADKA XILLI CIYAAREEDKA SOO AADAN 2017 ILLAA 2018 EE HORYAALKA ENGLAND PREMIER LEAGUE?

Dhammaan 92da kooxood ee heerarka kala duwan ee Ingiriiska ka biloow Premier League illaa Football League ayaa ogaan doona jadwalka isku aadkooda ololaha soo aadan 2017 illaa 2018 marka la gaaro bisha soo aadan ee June.

Jadwalka isku aadka horyaalka Premier League waxaa lasoo saari doonaa 14ka bisha June marka ay saacaddu ku beegan tahay 11am xilliga geeska Africa, waxaana ka qeyb qaadan doona horyaalka Ingiriiska 20 kooxood.

Taageereyaasha 72da kooxood ee kale ee horyaallada heerarka hoose ee Ingiriiska ayaana maalmo ka dib heli doona jadwalka isku aadkooda xilli ciyaareedka soo aadan.

21ka bisha June ayaana lasoo saari doonaa dhammaan jadwalka horyaallada heerka hoose ee Ingiriiska, saacadduna waa 11am xilliga geeska Africa.

  • GOORMA AYUU BILAABAN DOONAA XILLI CIYAAREEDKA SOO AADAN 2017 ILLAA 2018 EE HORYAALKA EPL?

Xilli ciyaareedka soo aadan ee horyaalka Premier League wuxuu bilaaban doonaa 12ka bisha August 2017ka, wuxuuna dhammaan doonaa 18ka bisha May ee sannadka soo aadan 2018ka.

  • KOOXAHA USOO DALLACAY IYO KUWA KA HARAY HORYAALKA PREMIER LEAGUE IYO HEERARKA KALE?

HORYAALKA ENHLAND PREMIER LEAGUE

Waxaa koobka horyaalka EPL qaaday kooxda: CHELSEA

Horyaalka waxaa ka haray kooxaha: SUNDERLAND, MIDDLESBROUGH, HULL

  • HORYAALKA ENGLNAD CHAMPIONSHIP

Kooxaha soo dallacay: NEWCASTLE, BRIGHTON, HUDDERSFIELD

Kooxaha u laabtay heerka seddaxaad: ROTHERHAM, WIGAN, BLACKBURN

  • HORYAALKA ENGLNAD LEAGUE ONE

Kooxaha soo dallacay: SHEFFIELD UNITED, BOLTON, MILLWALL

Kooxaha u laabtay heerka afaraad: CHESTERFIELD, COVENTRY, SWINDON, PORT VALE

  • HORYAALKA ENGLNAD LEAGUE TWO

Kooxaha soo dallacay: PORTSMOUTH, PLYMOUTH, DONCASTER, BLACKPOOL

Kooxaha u laabtay heerka shanaad: LEYTON ORIENT, HARTLEPOOL

  • HORYAALKA ENGLNAD NATIONAL LEAGUE

Kooxaha soo dallacay: LINCOLN, FOREST GREEN

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

37 Fikradaha Akhristayaasha

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan