Arsenal oo niyadda ka jebisay Alexis Sanchez – hadda waxaa u furan halkaan waddo oo keliya (Warbixin)

0
3020

Weeraryahanka qaranka Chile Alexis Sanchez ayaa wuxuu haatan si weyn uga cabsi qabaa inay kooxdiisa Arsenal ka horjoogsan doonto heshiis walba oo uu ugu dhaqaaqayo kooxda Manchester City – taasoo ka dhignaan doonta in kooxda keliya ee uu ku biiri karo ay tahay Bayern Munich oo ka dhisan dalka Jarmalka.

Sida laga soo xigtay shabakadda Daily Mirror ee dalka Ingiriiska, maamulka kooxda Arsenal ayaa si weyn u damacsan in aysan Sanchez ka iibin koox si toos ah ugula xifaaltanta horyaalka England Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu waxay tahay Manchester City ayaa diyaar la ah inay Alexis Sanchez ka gudbiso dalab ka sarreeya midka ay ka keento Bayern Munich, sidoo kalena waxay Sanchez qudhiisa u ballan qaaday inay Isbuucii mushaar ahaan u siin doonto 280 kun oo ginni haddii uu yimaado Etihad Stadium.

Hase yeeshee, maamulka Arsenal ayaa diyaar u ah inay kubad adag la ciyaaraan Man City oo diyaar u ah inay xiddigaan ka bixiso 50 milyan oo ginni, marka loo fiirsho Bayern Munich oo 40 milyan oo ginni kusoo dalbatay.

Tababaraha kooxda Gunners Arsene Wenger ayaana si shaqsi ah ugu sheegay maamulka kooxda Arsenal in uusan dooneyn in Alexis Sanchez laga iibiyo midkood Man City ama Chelsea, bedelkeedana uu doonayo in laga iibiyo koox ka dhisan debedda Ingiriiska, marba haddii uu ka tegayo Waqooyiga London.

Sababtaas darteed Sanchez wuxuu haatan ka cabsi qabaa in maamulka Arsenal ay ku qasbi doonaan inuu ku biiro Bayern Munich, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu xiddigaani si weyn u doorbidayo inuu sii joogo horyaalka England Premier League.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan