Faahfaahin laga bixiyay heshiiska cusub ee Antoine Griezmann u saxiixay Atletico Madrid

0
760

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa hal sanno oo hashiis kordhin ah usameeyay kooxdiisa sida laga soo xigtay wageysyada Spain.

“Antoine Griezmann waxaa uu usaxiixay Atletico Madrid heshiis ilaa 2022ka, ”sidaasi waxaa qoray maanta wargeyska Marca ee kasoo baxa magaalada Madrid.

26 jirkaan ayaa  si weyn waxaa loola xarriirinayay in uu isaga tagayo kooxda Atletico Madrid xagaagan, waxaana si aad ah u doonaysay kooxda Ingiriiska ka dhisan ee Manchester United.

laakiin bilawgii bishaan, waxa uu sheegay in uu sii joogayo kooxdiisa ka dhisan caasimada Spain.

Antoine Griezmann ayaa kooxda Atletico kaga yimid sannadkii 2014kii kooxda Real Sociedad, oo aheyd kooxdii uu kasoo bilaabay xirfadiisa 2009kii.

Griezmann ayaa udhaliyay kooxda Atletico Madrid 83 gool ka dib markii uu usaftay 160 kulan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan