RASMI: Kooxda Roma oo magacaabatay macallin cusub, soona bandhigtay… + SAWIRRO

0
725

Kooxda kubadda cagta Roma ee dalka Talyaaniga ayaa shaacisay in Eusebio Di Francesco uu yahay tababareheeda cusub labada xilli ciyaareed ee soo aaddan.

Eusebio Di Francesco ayaa shaqada ka bedelay tababarihii shaqada kooxdaasi Roma isaga tahay ee Luciano Spalletti.

Macallinkii hore ee kooxda Sassuolo ayaa qalinka ugu duugay kooxda caasimadda Talyaaniga ka dhisan heshiis labo sanadood ah, waxaana uu kooxda Roma la sii joogi doonaa ilaa sanadka 2019.

Tababarahan cusub oo ay magacaabtay Roma ee Di Francesco ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxdan intii u dhaxaysay sanadihii 1997-kii ilaa 2001, wuxuuna u ciyaaray 129 kulan isagoo u dhaliyay 16 gool.

47-sano jirkaan waxa uu ka mid ahaa xiddigii kooxda Roma la qaaday horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkii 2000/2001.

Kooxda Roma ayaa soo bandhigtay macallinkeedan cusub ee Eusebio Di Francesco waxaana ay ku soo wareejisay dhammaan xarumada kooxdu leedahay, waxaana Di Francesco uu dhankiisa farxad ka muujiyey dib ugu soo laabashadiisa Roma.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan