Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Talaado ah

0
3649

Weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez, oo 28 sanno jir ah, ayaa wuxuu ka cabsi qabaa inay kooxdiisa Gunners ka horjoogsan doonto qorshe walba oo uu kula biirayo kooxda Manchester City – taasi waxay ka dhigan tahay inay keliya Bayern Munich tahay kooxda uu ku biiri karo xagaagaan. (Mirror).

Kooxda ka ciyaarta horyaalka heerka labaad ee dalka Ingiriiska Aston Villa ayaa isha u heysa inay lasoo saxiixato kabtankii hore ee kooxda Chelsea iyo xulka England John Terry, oo 36 sanno jir ah. (Sky Sports).

Weeraryahanka reer France Antoine Griezmann, oo 26 sanno jir ah, ayaa wuxuu qandaraaska u kordhiyey kooxdiisa Atletico Madrid, wuxuuna haatan kooxda ka dhisan Spain sii joogi doonaa illaa sannadka 2022ka. (AS).

Milkiilaha kooxda Newcastle United Mike Ashley ayaa laga yaabaa inuu iska iibiyo kooxdaan oo ay xiiso u qabaan maalgeliyeyaal u dhashay dalka Shiinaha. (Newcastle Chronicle).

Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa wuxuu wadahadallo la bilaabay kooxda Mareykanka ka dhisan ee LA Galaxy iyadoo laga yaabo inuu 35 sanno jirkaani u dhaqaaqo horyaalka MLS. (Yahoo).

Weeraryahanka kooxda Liverpool iyo xulka Brazil Philippe Coutinho, oo 25 sanno jir ah, ayaa wuxuu wax adag ku tilmaamay wararka xanta ah ee la xiriirinaya  xoogweynta ree Spain ee Barcelona. (The Independent).

Weeraryahanka kooxda Chelsea iyo xulka Spain Diego Costa, oo 28 sanno jir ah, ayaa wuxuu isku diyaariyey inuu amaah kula biiro koox kale qeybta hore ee xilli ciyaareedka soo aadan isagoo ka tegaya Blues ka dibna wuxuu isha ku hayaa inuu si joogto ah ugu laabto Atletico Madrid. (Cadena SER & London Evening Standard).

Manchester City ayaa qarka u saaran inay wadahadallo la bilowdo kooxda Tottenham iyadoo kala hadleysa suurtoglanimada ku aadan inay kala soo saxiixdaan 27 sanno jirka daafaca dambeedka midig Kyle Walker. (Sky Sports).

Alvaro Morata ayaa qarka u saaran inuu kusoo biiro kooxda Manchester United ka dib markii wakiilka 24 sanno jirkaan uu meesha ka saaray fursadaha uu weeraryahanka kooxda Real Madrid kula biiri karo AC Milan oo ka dhisan Talyaaniga. (Mirror).

Sidoo kale, Man United ayaa haatan dalabkeedii ugu horreeyey oo rasmi ah ka gudbisay xiddiga heerka caalami ee dalka Spain Morata. (Daily Mail).

Juventus ayaa xiiso u qabta saxiixa garabka kooxda Leicester City iyo xulka qaranka Algeria Riyad Mahrez, oo 26 sanno jir ah, halka Tottenham ay sidoo kale isha ku heyso 20 sanno jirka weerarka uga ciyaara Foxes iyo xulka 21 sanno jirrada ka yar ee England Demarai Gray. (Mirror).

28 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan iyo xulka Croatia Ivan Perisic ayaa wuxuu daah aka qaaday inuu si shaqsi ah xiiso ugu qabo inuu u wareego kooxda Manchester United. (Corriere Dello Sport).

22 sanno jirka garabka ka ciyaara ee xulka Belgium Adnan Januzaj kaasoo ay milkiyaddiisa leedahay kooxda Man United ayaa wuxuu diiradda u saaran yahay kooxda Real Sociedad ee horyaalka La Liga iyadoo ku dooneysa 8.8 milyan oo ginni. (Daily Mail).

Madaxweynaha kooxda Nantes ee dalka Faransiiska Waldemar Kita ayaa wuxuu daaha ka qaaday in tababarihii hore ee kooxda Leicester Claudio Ranieri uu ka mid yahay afar shaqsi oo u sharraxan inay qabtaan xilka tababarenimo ee kooxdaas. (Squawka).

Everton ayaa isha ku heysa inay lasoo wareegto daafaca kooxda Saint-Etienne iyo xulka Guinea Florentin Pogba, oo 26 sanno jir ah, waana wiilka ka weyn xiddiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba. (Talksport).

Paris St-Germain ayaa daaha ka qaaday in uusan iib aheyn 24 sanno jirkeeda qadka dhexe ee reer Italy Marco Verratti, kaasoo bartilmaameed u ah kooxda Barcelona. (Marca).

Chelsea ayaan dooneyn inay bixiso qiimaha 70ka milyan oo ginni ah ee ay Real Madrid duldhigtay madaxa kubadsameeyaha xulka Colombia James Rodriguez, oo 25 sanno jir ah. (London Evening Standard).

Ajax ayaa u sheegtay kooxda Everton inay 30 milyan oo euros ku rabto 24 sanno jirka qadka dhexe ee reer Holland Davy Klaassen oo lala xiriirinaayo Toffees. (De Telegraaf & Liverpool Echo).

19 sanno jirka weerarka ka ciyaara ee ay milkiyaddiisa leedahay kooxda Chelsea Tammy Abraham ayaa sheegay in uusan go’aansan haddii uu amaah kula biiray kooxda Brighton ama Newcastle United, oo labaduba doonaya xiddigaan. (Newcastle Chronicle & Daily Mail).

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan