Wax walba oo aad ka dooneyso maanta wararaka suuqa kooxaha Arsenal, Man Utd & Liverpool- Yaa Yimid?

0
5984

Kullan wacan dhamaan aqristayaasheena shabakkada GOOL.NET waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa wararka kooxaha loogu xiisaha badan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Arsenal ayaa loo sheegay inay bixiso £ 60m haddii ay doonayaan la soo wareegida weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette.

Wageyska Telegraph ayaa sheegay in kooxda Ligue 1 ay aqbashay ugu dambeyntii xiddiga inuu ka tago kooxda xagaagan.

ka dib markii uu wadahadalo cusub la yeeshay Arsenal waxaa la isku raacay qiimo £ 48.7m oo lagu dari doono £ 10.6 milyan oo ku xiran waxtartnka ciyaaryahanka.

wakiilada Lacazette ayaa sida muuqata aqbalay xiisaha Arsenal, ka dib markii ay ku guuldareysteen in ay heshiis la gaaraan kooxda waqooyiga London ka dhisan sannadkii la soo dhaafay.

Laakiin Wenger waxaa ka go’an in uu qarash gareyo xagaagaan lacag badan, si uu usoo gabagabeeyo caqabadaha ka heysta horyaalka Premier League.

HADDABA HALKAAN KA QRISO WARARKA ARSENAL

Image result for Alexis Sanchez

Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa inuu ka walaacsan yahay doorashadiisa Bayern Munich, hadii ay Arsenal ka xanibaan inuu ku biiro kooxda Manchester City.

Manchester City iyo Bayern Munich ayaa hogaaminaya tartanka loogu jiro 28-sano jirkaan Sanchez oo doorbidaya inuu sii joogo England.

Si kastaba ha ahaatee, Mirror ayaa ku warameysa in Arsenal aysan doneyn in ay ka iibiso weeraryahankeeda koox ay ku xafiiltamaan Premier League, iyadoo Sanchez uu ka cabsi qabo ku biirista Bayern Munich.

Aleksandr Golovin

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay soo gabagabeyso saxiixa xiddiga caalamiga ah ee dalka Russia, Aleksandr Golovin,

Aleksandr Golovin ayaa la rumeysan yahay inuu u dhaqaaqi doono kooxda Arsenal xili ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa la sheegayaa inay bixin doonto £ 10m si ay ula saxiixato ciyaaryahanka khadka Dhexe ee CSKA Moscow Golovin.

Wargeyska Russian Sports ayaa sheegay in ciyaaryahanka diyaar uu u yahay inuu ka ciyaaro kubadda cagta Premier League.

“Ciyaaryahanka Tani Tayo markii uu dalab ka helay halkaas waa uu ku qancay, sidookale kooxo kale oo ka dhisan Yurub ayaa xiiso u qaba ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska.

WARARKII UGU DAMBEEYAY SUUQA LIVERPOOL

Derby ayaa dalab £1m ka gudbisay daafaca kooxda Liverpool Andre Wisdom, laakiin dubra Reds ayaa doo diiday.

Liverpool ayaan diyaar u aheyn in ay iska iibiso Wisdom – laakiin qiimaha saxda ah haddii losoo bandhigo wey ku qasban tahay in ay iska fasaxdo.

dalabka Liverpool ay ka diiday kooxda Derby ayaa la doonayaan in laga dhigo £ 2m si Wisdom uu u helo tartan cusub.

Birmingham ayaa sidoo kale lala xiriirinayay 24-sano jirkaan dooqa labaad ee kooxda Liverpool kujira.

Ben Gibson

Image result for Ben Gibson Liverpool

Tababaraha kooxda Boro Garry Monk, ayay ka go’an tahay in Ben Gibson uu kusii hayo kooxda Middlesbrough, inkastoo ay xiiso u qabaan kooxaha Premier League.

Gibson ayaa la filayaa inuu ka tago kooxdiisa Boro, isagoo doonaya koox ciyaareysa horyaalka Ingariiska xagaaga dambe.

Liverpool ayaa la fahamsan yahay in ay ugu cad cadahay la soo wareegida daafaca dhexe ee reer England.

Laakiin tababaraha cusub ee Boro Monk ma dooneyo inuu iska iibiyo ciyaartooydiisa muhiimka ah.

“Ben waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda, waxa aan doonaynaa inuu naga saacido dib ugu soo laabashada Premier League ayuu yiri Monk.

WARARKII UGU DAMBEEYAY MANCHESTER UTD

Image result for Alvaro Morata Man United

Alvaro Morata ayaa lagu wadaa inuu caafimaadka u maro Manchester United todobaadkan.

Wargeyska Express oo lasocda xaaladda xiisaha United ee Morata ayaa kasoo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay in heshiiska uu dhacayo toddobaadkaan.

Waxaa la sheegay in dalab weyn ku qaadan doonto kooxda Old Trafford ka dhisan, iyadoo Real Madrid hore ugu dalbatay weeraryahyankeeda £ 70m.

Haddaba Independent ayaa dhankiisa ku waramaya in United ay kalsooni ku qabto xiddiga heerka caalami ee dalka Spain inuu umaro tijaabada caafimaadka toddobaadkaan.

Wargeyska Waxa uu intaa ku daray in United ay ka go,an tahay lasoo wareegida weeraryahanka kooxda Torino Andrea Belotti.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan