Arturo Vidal oo la shaaciyay horyaalka uu ka ciyaari doono xili ciyaareedka dambe? Ma Premier League?

0
2928

Xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka Arturo Vidal ayaa raba in uu u dhaqaaqo horyaalka China ka dib dhamaadka xilli ciyaareedka 2017/2018.

30 jirkaan hashiiska uu kula jiro hadda kooxda Bayern ayaa dhacaya xilli ciyaareedka 2019ka, waxaana uu dhaliyay 16 gool 88 kualn oo uu usaftay kooxdiisa tan iyo markii Allianz Arena uu usoo dhaqaaqay.

Xilli ciyaareedkii dhamaaday xiddigaan khadka dhexe ka ciyaara waxa uu dhaliyay 9 gool dhamaan tartamadoo dhan, 4 ka mid ah goolashaas waxa uu ka dhaliyay horyaalka Bundesliga oo markii shanaad oo xarriir ah hanatay kooxdiisa.

Sida uu ku waramayo Sport 1, Vidal oo kamid ah, xiddiga ugu wanaagsan ugu waaweyn horyaalka Germany ayaa u dhaqaaqi doona Chinese Super League.

Vidal ayaa ku guulaystay lix koob lixdii xilli ciyaareed ee ugu  danbeysay afar ka mid ah wuxuu la qaaday kooxda Juventus.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan