Laacibka kooxda Tottenham ee Son Henung-min oo gacanta ka jabay…+SAWIRRO

0
1195

Ciyaaryahanka kooxda kubadda cagta Tottenham Hotspur ee Son Henung-min ayaa ka jabay gacanta isagoo gudanaya waajibaadka xulkiisa qaranka South Korea.

Kulankii dhexmaray xulkiisa South Korea iyo Qatar ee isreeb-reebka koobka Adduunka ayaa isagoo kulanku marayo 30’daqiiqo waxaa Son uu si daran ugu dhacay dhulka kaddib markii uu si adag u raacday Mohammed Musa.

Taasi waxa ay keentay in Son uu gacanta ka jabo, iyadoo 24-sano jirkaan kulanka bedel looga saaray, nasiib darro xulkiisa South Korea ayaana guul darro 3-2 kala kulmay dhiggooda Qatar.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Son Henung-min uu seegi karo bilowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2017-18, kaasoo isku aadkiisa maanta la sameeyey.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan