Maxaad maanta ka fileysaa shabakadda Gool.Net? Wax ka ogoow dhacdooyinka ugu waa weyn ee aan baahin doono maanta oo Arbaco ah

0
3406

Maanta waa Arbaco waana 14ka bisha June sannadka 2017ka, waxaana la sameyn doonaa jadwalka isku aadka horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkiisa 2017 illaa 2018 oo dhammeystiran.

Shabakadda Gool.Net ayaana kaa ballan qaadeysa inay kuusoo gudbin doonto macluumaad badan oo ku saabsan jadwalka isku aadka horyaalka England Premier League oo soo bixi doona 11am (Shac saac oo barqanimo) xilliga geeska Africa.

  • MAXAAN DIIRADDA SAARI DOONAA?

Akhristeyaasheena waxaan marka hore usoo gudbin doonaa isku aadka horyaalka EPL xilli ciyaareedkiisa 2017 illaa 2018 oo dhammeystiran. Ka dibna waxaan usoo gudbin doonaa jadwalka isku aadka kooxaha waa weyn ee horyaalka Ingiriiska, ama kulamada kooxdaada oo dhammeystiran.

Wixii intaas ka dambeeya waxaan u dhaqaaqi doonaa sidii aan kusoo saari laheyn kulamada natiijo ahaan go’aamin kara koobka horyaalka England Premier League halka uu u dhacayo xilli ciyaareedka soo aadan.

Si gaar ah waxaan diiradda u saari doonaa kulamada dhexmaraya kooxaha waa weyn iyo waxa ay ka dhahaaan khubarada kubadda cagta Ingiriisku.

  • FAAHFAAHINNO AAD U BAAHAN TAHAY

Kasoo biloow horyaalka Premier League illaa Football League waxaa laga ciyaari doonaa 2,036 oo ciyaarood inta lagu jiro xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018, waxaana la ciyaari doonaa muddo ku siman sagaal bilood.

Marka la sameynayo jadwalka isku aadka horyaalka EPL, waxay maamulka horyaalka Ingiriisku ku qasbanaan doonaan inay ciyaarahooda jadwal ahaan ka ilaaliyaan inay ku dhacaan jadwalka ciyaaraha FIFA iyo sidoo kale jadwalka ciyaaraha UEFA – heer kooxeed iyo heer qaranba.

Ka hor inta aan la bilaabin xilli ciyaareedka soo aadan bisha August ee sannadkaan, maamulka horyaalka Premier League ayaa ballan qaaday in laga yaabo in wixii ka bilowda sannadka 2019ka ay ka fikiri doonaan in kulamo ka tirsan horyaalka la ciyaaro habeenka Sabtida ah iyo subaxda Axada ah si dhaqaale looga sameeyo xuquuqda baahinta ee Asia, loona soo jiito taageereyaasha faraha badan ee qaaraddaan.

Waxaa inoo ballan ah 11am Insha Allah. Shabakadda GOOL.NET waa hoyga ciyaaraha ka dhigo insha koowaad.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan