RASMI: Kooxda AC Milan oo xil cusub u magacaabatay Christian Abbiati

0
899

Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa maareeyaha cusub ee kooxda u magacaabtay Christian Abbiati, kaasoo dib ugu soo laabtay Rossoneri.

Christian Abbiati ayaa 15 xilli ciyaareed u soo ciyaaray kooxda Milan waxaana uu guud ahaan kula guuleystay 8 koob.

Waxa ay shaqadiisu noqon doontaa meereeyahan cusub ee Christian Abbiati isku xiraha maamulka iyo kooxda, waxaana uu warbixin siin doonaa maareeyaha isboortiga ee Massimiliano Mirabelli.

Goolhaye Abbiati yimid kooxda Milan isagoo 21-sano jir ah sanadkii 1998-kii, sanadkaasoo uu kooxda Milan horyaalka u qaaday Alberto Zaccheroni.

Wuxuu markii hore ku soo bilowday booska goolhayaha saddexaad ee kooxda isagoo ay ka horreeyey Sebastiano Rossi iyo Jens Lehmann, laakiin waa uu ka soo tallaabsaday, isagoo kooxda Milan u gacan galiyey hoyaalkeedii 16-aad, kaasoo ay xaqiijiyeen sanadkii 1999-kii, markii ay ka badiyeen Perugia.

Shabaq ilaaliyahan Abbiati ayaa Milan u saftay 378 kulan, waxaana uu sidoo kale amaah ugu soo ciyaaray kooxaha Juventus, Genoa, Torino iyo Atl├ętico Madrid.

Christian Abbiati oo haatan 39-sano jir ah ayaana ciyaaraha kubadda cagta isaga fariistay sanadkii ee 2016.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan