WARBIXIN: Kooxaha England Premier League oo 10 kulan ciyaari doona hal bil gudaheed – Russia ayaana u sabab ah!

0
2482

Kooxaha horyaalka England Premier League ayaa waxaa durba ay wajahayaan dhibaato ku aadan bisha December ee sannadkaan 2017ka, sababtoo ah inta lagu jiro bishaas waxaa ay koox kasta ciyaari doontaa 10 kulan, taasi waxay ka dhigi doontaa inay noqon doonto bishii ugu badneyd ee la ciyaaro kulamo intaas la dhan muddo 10 sanno ah.

Sababta kulamada intaas dhan loo ciyaarayo bishaan oo keliya ayaa waxay tahay in horyaalka England Premier League looga baahan yahay inuu jadwalkiisa ciyaaraha xilli hore soo xiro sababtoo ah Koobka Adduunka 2018 ayaa xagaaga soo aadan ka dhici doona dalka Russia.

Dhammaan 20ka kooxood ee horyaalka England Premier League ayaa heli doona jadwalkooda 38da kulan ee xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018 maanta oo Arbaco ah, 11am (Shan saac oo barqanimo) xilliga geeska Africa ayaana lasoo saari doonaa.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda The Sun ee dalka Ingiriiska ayaa sheegeysa inay kooxaha EPL ciqaab adag la kulmi doonaan bisha December sababtoo ah waxaa la ciyaari doonaa sideed kulan oo horyaalka ah inta u dhexeysa 2da bisha December illaa 1da bisha January sannadka 2018ka.

Taasi waxay ka dhignaan doontaa in ku dhowaad rubac ka mid ah ciyaaraha horyaalka EPL ee ololaha soo aadan lagu ciyaari doono 31 cisho gudahood. Kuna darso maamulka horyaalka Ingiriiska ayaa go’aamiyey inay kooxuhu ciyaaraan kulamo horyaalka ah 2, 9, 13, 16, 23, 26, 30 iyo 1da bisha January 2018ka.

Sidoo kale kooxaha Ingiriiska ayaa waqtigaas ciyaari doona kulamada ugu dambeeya heerka guruubyada ee tartanka UEFA Champions League iyo sidoo kale UEFA Europa League waxayna kusoo aadayaan 5 iyo 7 bisha December, taasi waxay ka dhigan tahay inay ciqaab gaar ah oo dhanka jadwalka adag ah wajihi doonaan kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester City, Manchester United, Tottenham iyo Everton oo ay macquul tahay.

Koobka League Cup oo dhowaan loo bixiyey magaca Carabao Cup ayaana kulamo ka tirsan la ciyaari doonaa 19 iyo 20 bisha December, gaar ahaan wareeggiisa shanaad, waana inta aan la gaarin Ciidda Masiixiga, taasi waxay la micno tahay inay kooxaha EPL ciyaari doonaan 10 kulan inta lagu jiro bisha December 2017ka.

Xilli ciyaareedkii 2006 illaa 2007 ayaase wuxuu heystaa in ciyaaraha ugu badan la dheelay intii lagu jiray bisha December.

Waxaa xusid mudan in xilli ciyaareedka 2017 illaa 2018 ee ciyaaraha Ingiriiska lasoo afjari doono 13ka bisha May, waana laba Isbuuc ka hor waqtiga uu caadiyan soo dhammaado xilli ciyaareedka Ingiriisku, finalka FA Cup waxaa la ciyaari doonaa 19ka bisha May, sidaas darteed xul kasta oo ka qeyb gelaya Koobka Adduunka 2018 wuxuu heli doonaa hal bil oo dhammeystiran oo uu isugu diyaariyo dhacdada Russia.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan