Wargeyska Marca oo ka dhawaajiyay in Paris Saint Germain ay ku adkeyneyso Barcelona si ay uga harto Marco Verratti.

0
1532

Barcelona ayaa laga yaabaa iney isaga baxdo tartanka culus ee ay ugu jirto saxiixa kubad sameeyaha qaranka talyaaniga iyo Paris Saint Germain Marco Verratti madama lacago badan xidigaan la duldhigay.

Ernesto Valverde ayaa doonaya inuu Marco Verratti ku xoojiyo khadkiisa dhexe iyadoo lasoo wariyay dhamaadkii isbuucii hore iney ka gudbiyeen dalab dhan 100 Malyan oo Euro, balse haatan laga cusleeyay sidii ay rajeyneysay.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa Spain ayaa sheegaya in Paris Siant Germain ay xidigaan ku iloobi karto kaliya 132 Malyan oo Pound taasoo ka dhigeysa xidigii ugu qaalisanaa ebid kubadda cagta wuxuuna rikoorka kala wareegi doonaa Paul Pogba.

Dhawaan ayey aheyd markii xidigaan uu ka codsaday Paris Saint Germain iney iska iibiyaan si uu fursad ugu helo inuu kasoo muuqdo kooxaha waaweyn ee qaaradda yurub.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan