Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda saakay oo Arbaco ah

0
3809

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa wuxuu ka shaqeynayaa qorshe uu kula soo wareegayo seddax xiddig oo u dhashay dalka France, wuxuuna isku diyaarinayaa inuu Gunners xiddigo magac leh ka raacdeeyo. (Daily Telegraph).

Seddaxdaas xiddig ayaana kala noqon doona 18 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda AS Monaco Kylian Mbappe, 21 sanno jirka ay isku kooxda yihiin Thomas Lemar iyo mashiinka goolasha kooxda Lyon Alexandre Lacazette, oo 26 sanno jir ah, dhammaantood Wenger ayey diiradda u saaran yihiin. (Daily Telegraph).

Madaxweynaha kooxda Lyon ayaa wuxuu u sheegay maamulka kooxda Arsenal inay ka iibin karaan Lacazette laakiin waa haddii ay Arsenal miiska soo saareyso heshiis qiimo ahaan u dhigma 60 milyan oo ginni kaasoo ah kaash iyo ciyaaryahan waxayna Lyon dooneysaa in heshiiska lagu daro gooldhaliyaha reer France Olivier Giroud. (Le10Sport & The Sun).

West Ham United ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay lasoo wareegto 30 sanno jirka weerarka uga ciyaara Arsenal Olivier Giroud, kaasoo daah aka qaaday in uusan ku faraxsaneyn inuu keydka uga jiro kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium. (London Evening Standard).

Everton ayaa lasoo saxiixatay goolhayaha xulka 21 sanno jirrada ka yar ee England Jordan Pickford waxayna 23 sanno jirkaan kala soo wareegtay Sunderland, taasi waxay biloow u noqotay qiimo lacageed dhan 150 milyan oo ginni oo ay kooxda ka dhisan Goodison Park ku qarash gareyn doonto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagaan. (Daily Mirror).

Weeraryahanka kooxda Monaco iyo xulka France Kylian Mbappe ayaa wuxuu sheegay inuu ka fikiri doono dalabyada waqtigaan miiska u saaran si uu u go’aansado kooxdii uu ku biiri lahaa xagaagaan xilli Arsenal iyo Real Madrid ay isku heystaan saxiixa xiddigaan tayada miiran ah. (Daily Mail).

Daafaca reer Sweden Victor Lindelof ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah yimaado xerada tababarka Manchester United ee Carrington si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Red Devils ka dibna uu heshiis rasmi ah kooxda ugu saxiixo – 22 sanno jirkaani wuxuu kasoo dhaqaaqay kooxda Benfica. (Daily Mail).

Alvaro Morato ayaa la filayaa inuu noqdo ciyaaryahan ay si rasmi ah u leedahay kooxda Manchester United wixii ka bilowda Arbacada maanta ah. (The Sun).

Arsenal ayaa qarka u saaran inay dhammeystirto saxiixa xiddiga CSKA Moscow Aleksandr Golovin, waana 21 sanno jir u dhashay dalka Russia kaasoo qadka dhexe ka ciyaara. (The Sun).

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa waxay usoo jeesatay saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang oo u ciyaara kooxda Borussia Dortmund, xilli ay ku guuldarreysatay saxiixa weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez. (Daily Express).

Heshiiskii ay AC Milan kula soo wareegtay xiddiga qadka dhexe ee reer Ivory Coast Franck Kessie oo kaga soo biiray kooxda Atalanta ayaa haatan cabasho laga keenay. (Daily Express).

Tababaraha kooxda Everton Ronald Koeman ayaa wuxuu hadda doonayaa 24 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Ajax iyo xulka Hollnad Davy Klaassen, kubadsameeyaha Swansea City iyo xulka Iceland Gylfi Sigurdsson, oo 27 sanno jir ah iyo daafaca Burnley iyo xulka England Michael Keane, oo 24 sanno jir ah. (Daily Express).

West Brom ayaa wadahadallo la bilowday kabtankii hore ee Chelsea iyo xulka England John Terry, waxayna loolanka loogu jiro saxiixa 36 sanno jirkaan daafaca dambeedka dhexe kula soo biirtay kooxda Aston Villa. (Sky Sports).

Daafaca Manchester United iyo xulka England Chris Smalling ayaa la iibin doonaa xagaagaan, kooxaha West Ham, West Brom iyo Everton ayaana xiiso u muujiyey saxiixa 27 sanno jirkaan. (Daily Telegraph).

Manchester City ayaa ku rajo weyn in Alexis Sanchez uusan qandaraaska u kordhin doonin kooxdiisa Arsenal, si taasi ay wadada ugu xaarto inuu 28 sanno jirkaan reer Chile heshiis 50 milyan ah ugu soo dhaqaaqo garoonka Etihad Stadium. (Manchester Evening News).

Leicester City ayaa dalab 16.5 milyan oo ginni ah waxay ka gudbisay daafaca kooxda Hull City Harry Maguire, balse 24 sanno jirkaan waxaa lagu qiimeeyaa 20 milyan oo ginni. (Daily Mail).

Chelsea ayaa qarka u saaran inay lasoo saxiixato 35 sanno jirka goolhayaha ah ee reer Argentine Willy Caballero, kaasoo ay iska fasaxday kooxda Manchester City. (ESPN).

Newcastle United ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato 34 sanno jirka goolka u qabta kooxda Napoli Pepe Reina, sida laga soo xigtay wakiilkiisa, goolhayaha reer Spain ayaana isha ku haya inuu kusoo laabto horyaalka England Premier League. (Newcastle Chronicle).

Liverpool ayaa ogolaatay inay iska iibiso daafaceeda Andre Wisdom kaasoo ku biiri doona kooxda Derby County heshiiskaasi wuxuu qiimo ahaan ku kici doonaa 4.5 milyan oo ginni. 24 sanno jirkaan hore ugu soo ciyaaray xulka England Under-21 ayaa wuxuu kasoo laabtay amaah uu kusoo qarash gareeyey kooxda Red Bull Salzburg ee reer Austria halkaasoo horyaalka iyo koobka maxalliga ah uu kusoo qaaday. (Liverpool Echo).

Swansea City ayaa waxay u bandhigtay kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir qorshe ay iskula bedelanayaan 31 sanno jirka reer France Bafetimbi Gomis iyo 33 sanno jirka reer Togo ee weerarka ka ciyaara Emmanuel Adebayor. (Beinsport & Wales Online).

28 sanno jirka goolka u qabta kooxda Arsenal iyo xulka Colombia David Ospina ayaa wuxuu wadahadallo kula jiraa kooxda Fenerbahce ee ka dhisan dalka Turkiga. (ESPN).

Manchester City ayaa diyaar u ah inay dhinto qiimaha 16ka milyan oo ginni ah ee ay ku dooneyso 29 sanno jirka reer France Samir Nasri sababtoo ah kubadsameeyahaan ayaa waayey kooxo xiiso u qaba saxiixiisa. (The Sun).

Paris St-Germain ayaa isha ku heysa inay kooxda Manchester United ku garaacdo saxiixa Andrea Belotti, iyadoo wadahadallo la bilowday wakiilka 23 sanno jirkaan weerarka uga ciyaara kooxda Torino iyo qaranka Italy. (Canal Plus & Talksport).

Ugu dambeyntiina, goolhayihii hore ee kooxda Chelsea Asmir Begovic ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu kabtankiisii hore ee Chelsea John Terry kula soo biiro kooxda Bournemouth xagaagaan. (Daily Mail).

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan