Alexis Sanchez oo u sheegay Arsenal kooxda uu doorbidayo inuu ku biiro – ogoowna ma ahan Man City ama Bayern Munich

0
5912

Weeraryahanka u dhashay dalka Chile Alexis Sanchez ayaa markale u caddeeyey maamulka kooxda Arsenal inuu doonayo inuu kooxda ka tago xagaagaan, si kastaba ha ahaatee, wuxuu sidoo kale u tilmaamay maamulka Gunners in uusan doorbideyn inuu ku biiro midkoodna kooxaha Manchester City ama Bayern Munich.

Jeebweynta ka ciyaarta horyaalka England Premier League ee Manchester City iyo kooxda Jarmalka ka dhisan ee Bayern Munich ayaa si weyn ugu dagaalamayey saxiixa Alexis Sanchez oo isha ku haya inuu xagaagaan ka tago FLY Emirates Stadium, hase yeeshee, xiddigii hore ee Barcelona wuxuu daaha ka qaaday inuu damacsan yahay inuu kusii nagaado caasimadda London.

Sida laga soo xigtay majaladda The Independent ee dalka Ingiriiska, Sanchez wuxuu jeclaaday ku noolaanshiyaha caasimadda London wuxuuna doorbidayaa in uusan ka guurin magaaladaan uu la qabsaday, taasi waxay la micno tahay in kooxda uu sida weyn isha ugu hayo inuu ku biiro ay tahay Chelsea oo difaacaneysa koobka Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Arsenal ayaa sameyn doona wax walba oo karaankooda ah si ay Sanchez uga horjoogsadaan inuu ku biiro, xoojiyana koox kale oo kula xifaaltanta horyaalka Premier League… Mana doonayaan inuu ku biiro Chelsea oo ay degaan ayaan xifaaltamaan.

Maamulka kooxda Arsenal ayaa horeba isugu diyaariyey inay iska diidaan dalab cusub oo 50 milyan ah oo ay Man City haatan u diyaarineyso inay ka gudbiso Sanchez, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu 28 sanno jirkaani xagaaga soo aadan beeca xorta ah uga tegi karo kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Qandaraaska uu Alexis Sanchez kula jiro Arsenal ayaa wuxuu dhacayaa bisha June 2018ka, sidaas darteed marka la gaaro bisha Janaayo 2018ka wuxuu awood u leeyahay inuu wadahadallo la galo kooxaha doonaya heshiis shaqsi ahna la meeldhigo ka hor inta uusan ku biirin xagaaga soo aadan.

Chelsea ayaa muddo dheer xiiso u qabtay Sanchez, hase yeeshee, loolanka saxiisiisa waxay kaga dambeysay Man City iyo Bayern Munich, balse haatan oo uu Sanchez tilmaamay inuu doorbidayo inuu kusii nagaado London, tababare Antonio Conte ayaa ku qasban inuu si toos ah u galo loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahankaan caalamiga ah ee reer Chile.

Alexis Sanchez ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 24 gool ka dhaliyey horyaalka EPL, halka uu sidoo kale caawiyey 10 gool, wuxuuna ciyaaray 38 kulan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan