Arsenal oo bedelka Santi Cazorla ka heshay Real Madrid, laakiin kooxdan ayaa caqabad ku ah

0
3075

Kooxaha ka dhisan Premier League ee Arsenal iyo Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay u dagaalamayaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid iyo Croatia Mateo Kovacic.

Xiddiga Croatia ayaa 30 kulan u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkii dhamaaday, laakiin waxaa la rumeysan yahay inuusan kujirin qorshaha koowaad ee kooxda.

Kovacic ayaa kaga dambeeya doorashada khadka dhaxe ee Real Madrid Kroos, Modric, Isco iyo Casemiro.

Sida ay sheegayaan wararka uu daabacayo maanta wargeyska Diario Gol kooxaha ku xafiltama waqooyiga London ayaa isha ku haya in ay lasoo wareegan laacibka Croatia.

23-sano jirkaan Kovacic ayaa sidookale Real Madrid ay u aragtaa bedelka mudada dheer ee ninka ay isku wadanka yihiin ee Luka Modric.

Kovacic ayaa kaga soo biiray Real Madrid kooxda Inter Milan sannadkii 2015, laakiin xiisaha kaga imaanaya kooxaha Premier League ayaa ku qasbaya inuu ka fakiro mustaqbalkiisa.

Iyadoo Santi Cazorla iyo Jack Wilshere aan la hubin mustaqbalkooda xili ciyaareedka dambe, Arsene Wenger ayaa lagu soo waramayaa inuu u baahan yahay ciyaartooy dheerdaa ah.

Coquelin, Elneny iyo Ramsey oo aan kujirin xaalada sax ah ayaa sidookale ku qasbeysa Wenger inuu suuqa galo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan