Arsenal oo dalab labaad oo ah kan adduunka ugu qaalisan oo lagu daray xiddig ka gudbisay weeraryahanka Monaco ee Kylian Mbappe

0
2391

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay dalab labaad oo ah kan rikoorka adduunka ugu qaalisan oo ah £ 100million-oo lagu daray Olivier Giroud kooxda Monaco si ay kaga helaan Kylian Mbappe.

Weeraryahanka reer France oo 18 jir ah, ayaa bartilmaameed u ah kooxaha waaweyn ee ka dhisan Yurub, oo ay kujirto Real Madrid.

Arsene Wenger ayaa mar hore bilaabay xiisaha ciyaaryahanka Monaco oo lagu qiimeeyo £ 121.8m, sida laga soo xigtay wargeyska L’Equipe.

Arsenal ayaa dalab £ 87million ah oo ay ka gudbiyeen Mbappe oo 18 jir ah laga soo diiday toddobaadkii hore.

Wenger ayaa lagu wadaa in uu bixiyo qiimaha lagu burburin karo ciyaaryahanka qandaraaskiisa si uu dib u dhiska koxda kaga qeyb noqdo xili ciyaareedka dambe weeraryahankaan.

Tababaraha Faransiiska ayaa sidoo kale ku faraxsan inuu heshiskaan ka qeyb noqdo Giroud, kaasoo kusoo bilowday kaliya 11 kulan oo Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Alexis Sanchez ayaa ahaa dooqa koowaad ee weerarka kooxda, halka Danny Welbeck oo dhaawac ka soo laabtay uu kala baxay booska Giroud, tasoo ku qasbeysa weeraryahanka France inuu ka dhaqaaqo Gunners.

Wenger ayaa lagu soo waramayaa in kalsooni buuxda uu ku qabo Mbappe, oo kamid ah ciyaartooyda da’da yar ee ugu fiican dunida.

 

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan