Laacibka Man City ee Gabriel Jesus oo xaqiijiyey inuusan u baahanayn qalliin iyo waqtiga uu garoomada ku soo laaban karo

0
1136

Kooxda kubadda cagta Machester City ayaa war wanaagsan ka helaysa xaaladda dhaawac ee xiddigeeda Gabriel Jesus, kaddib markii uu u sheegay laacibku uusan u baahnay in qalliin looga sameeyo wajiga kaddib jabkii soo gaaray.

Waxaa la warinayaa in Gabriel Jesus uusan u baahnayn wax qalliin ah oo looga sameeyo wajiga kaddib markii uu ka jabay lafta ku wareegsan isha, waxaana ay taasi la minco tahay in Sky Blues ay adeeggan xiddigan heli doonto kulamada ay isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa laga dhex qaaday garoonka isagoo ku guda jiray waajibaadka xulkiisa qaranka kaddib markii xiddiga ay ka wada tirsan yihiin kooxda Man City ee Nicolas Otamendi uu suxul wajiga kaga dhuftay ciyaartii saaxiibtinnimo ee dhexmaray xulalka Brazil iyo Argentina.

Jariiradda Mirror ayaa warinaysa in markii hore la filayey inu xiddigan qalliin lagu sameyn doono, isla markaana uu seegi doono kulamada la isugu diyaarinayo xilli ciyaareedka cusub laakiin laacibka qudhiisa ayaa soo hadlay sheegayna inuu xilligaas diyaar noqon doono.

Laacibka kooxda Man City ayaa bartiisa Facebook ku xaqiijiyey inuusan wax qalliin ah u baahnayn, isla markaana uu muddo yar gudaheeda ku soo laaban doono garoomada, waxaana uu soo qoray:-

“Waa idin salaamay shacaboow, shalay waxaa la igu sameeyay dhowr tijaabo, dhammaantoodna way akhbaar wanaagsanaayeen, si fiican ayaan u soo bogsanayaa mana u baahni wax qalliin ah, muddo 15 maalmood ah dib ayaa la ii qiimeynayaa, laakiin dhammaan waxay muujinayaan in aan saddex sitimaan gudahood ku soo laaban doono,   mahadsanidiin dhammaan intii i taageertay, ii soo dirtay farriimo dhaxalgal ah ina rajeysay inaan bogsoodo, mahadsanid Diktoor Jorge Pagura, Dr. Claudio Lotemberg iyo Dr Sergio Miranda sida aad ii dabiibteen.”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan