Lionel Messi oo kulan casho ah la qaatay xiddig ay si waalli ah u dooneyso Barcelona – mana ahan Ángel Di María

0
6736

Lionel Messi ayaa la kulmay xiddiga diiradda u saaran kooxdiisa Barcelona ee Marco Verratti xilli labadoodu ay kulan casho ah ku yeesheen Jasiiradda Ibiza, sida ay warbaahintu sheegeyso.

Kubadsameeyaha kooxda Paris Saint-Germain Marco Verratti ayaa si xoogan loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo kooxda ka dhisan Nou Camp Stadium iyadoo tababare Ernesto Valverde uu isha ku hayo inuu kooxdiisa qadka dhexe ka xoojiyo ka hor ololaha soo aadan 2017 illaa 2018.

24 sanno jirkaan u dhashay dalka Italy Verratti ayaa u sheegay kooxda ka dhisan garoonka Parc des Princes ee PSG inuu doonayo inuu ka tago xagaagaan. Hase yeeshee, maamulka PSG waxay doonayaan inay ceshadaan xiddigooda muhiimka ah.

Laakiin idaacadda Cadena COPE ee laga dhegeysto Spain ayaa cusbo kusii dartay xanta Barcelona la xiriirineysa Verratti waxaana ay baahisay inuu kulan casho ah la yeeshay Lionel Messi oo laga yaabo inay mustaqbalka dhow ku midoobaan Barcelona, xiddigii hore ee kooxda Pescara ayaana wuxuu haatan ku sugan yahay Jasiiradda Ibiza si la mid ah Messi, halkaasoo ay labadooduba fasax ku qaadanayaan.

Idaacadda Cadena COPE ayaa sheegeysa inuu kulankaan soo qabanqaabiyey xiddiga qadka dhexe ee PSG Javier Pastore kaasoo ay isku dal u dhasheen Messi. Kuna darso Pastore ayaa xiriir dhow la leh Messi iyo Verratti maadaama xulka iyo kooxda uu kaga garab ciyaaro.

Si kastaba ha ahaatee, dhowaan afhayeen u hadlay kooxda Marca ayaa wuxuu u sheegay joornaalka Marca in uusan iib aheyn xiddigooda qadka dhexe Verratti qiimo kasta oo lagu soo dalbado. Balse wakiilkiisa Donato di Campli wuxuu sheegay inuu sameyn doono wax walba oo uu Verratti uga kexeyn karo caasimadda Faransiiska.

Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u qabta garabka PSG iyo xulka Argentina Ángel Di María, iyadoo dooneysa inay weerarkeeda ku xoojiso xiddigii hore ee kooxda Real Madrid.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan