Marco Verratti oo loo sheegay waxa ay tahay inuu sameeyo si uu xagaagaan ugu biiro Barcelona – xujo adag ayaa la hordhigay!

0
2784

Haddii Marco Verratti uu doonayo inuu xilli ciyaareedka soo aadan u ciyaaro kooxda Barcelona ee horyaalka La Liga, markaas waa inuu kooxdiisa Paris Saint-Germain ku qasbo inay iibiso xagaagaan, sida ay daaha ka qaaday majaladda Marca.

Faransiiska kooxda ka dhisan PSG ayaa daah aka qaaday in aysan Marco Verratti u ogolaan doonin inuu ka tago xagaagaan, maadaama uusan ka codsan in la iibiyo, xitaa waxay tilmaantay in aysan dhegeysan doonin dalabyada uga imaanaya kooxda La Blaugrana.

Taasi waxay la micno tahay inuu 24 sanno jirkaan reer Italy Marco Verratti hadda ku qasban yahay inuu si shaqsi ah door ugu yeesho qorshaha PSG lagula qancinaayo inay iibiso xagaagaan.

Wakiilka xiddigaan Donato di Campli ayaa wuxuu u sheegay shabakadda Sky Sports inuu xiddigaani doonayo inuu ka tago PSG si uu ugu biiro koox uu kula guuleysan karo koobab waa weyn.

Di Campli ayaa laga soo xigtay: “Marba haddii laga hadlo xirfadda ciyaaryahan horyaal ah iyo koox horyaal ah waa inay koobab waa weyn ku guuleystaan. Waan arki doona haddii Marco uu xagaagaan ka tago PSG. Balse xaaladdu waa mid isku qasan sababtoo ah PSG waxay muujisay in aysan dooneyn inay iibiso”.

Laakiin qodob ku jira qandaraaska uu Marco Verratti kula jiro PSG ayaa dhigaya in haddii uu xiddigaani dalbado in la iibiyo ay markaas kooxda ka dhisan Faransiiska ku qasban tahay inay dalabkiisa dhegeysato.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan