Paolo Maldini oo magcaabay kooxda uu ku biirayo Marco Verratti- Barcelona, Real Madrid ama Chelsea?

0
5690

Paolo Maldini ayaa sheegay in Marco Verratti uu noqon doono mid guuleysta haddii uu u saxiixo kooxda Barcelona.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 24-sano jirka Italy ayaa doonaya inuu ka tago Paris St-Germain, isagoo Barcelona isha ku heya inuu u dhaqaaqo.

PSG ayaase dhawaan shaaca ka qaaday in aysan diyaar u aheyn in ay iska iibiyaan magacyada waaweyn ee kooxda xili ciyaareedkaan.

Laakiin Maldini ayaa qaba in ninka ay isku wadanka yihiin uu ku guuleysan doono haddii uu u dhaqaaqo Camp Nou.

“Verratti waa xiddig weyn oo leh tayo sare,” ayuu Maldini u sheegay Calciomercato.com.

“Waxaan qabaa in uu ka tago Paris si uu u helo waayo aragnimo cusub ayuu hadalkiisa ku daray kabtankii hore ee Italy.

“Barcelona waa koox weyn, waxaan u maleynayaa inuu sidoo kale ka heli doono qibrad sare, waa kooxda kaliya ee uu ku guuleysan karo ayuu yiri Paolo Maldini.

Verratti wakiilkiisa Donato Di Campli ayaa si maldahan u sheegay dhawaan in ciyaaryahanka uu jecel yahay ka ciyaarista horyaalka La Liga Spain.

Waxa uu yiri: “waxaan isku dayi doonaa inaan maareeyo mustaqbalkiisa ciyaareed, wuxuu doonayaa inuu ku guuleysto koobab sidaas darteed way adag tahay inuu aqbalo sii joogista halkaan ayuu hadalkiisa ku daray,

“Waan arki doonaa haddii uu baxo ama sii joogo marka uu furmo suuqa, laakiin waxaan ka fakireynaa inuu sii joogo PSG.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan