Qiimaha aad ku heli karto maaliyadaha Real Madrid iyo Barcelona ee xilli ciyaareedkaan – kooxdee ayaase xiran doonta lebiska qaaliga ah?

0
2890

Taageereyaasha guud ee horyaalka La Liga iyo taageereyaasha gaarka ah ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa malaha muddo sugi doona inay arkaan labadaan kooxood oo garoonka dhexdiisa ku kulmaya ciyaarta weyn ee El Clasico.

Si kastaba ha ahaatee, lebiskii loo xiran lahaa kulanka weyn ee El Clasico xilli ciyaareedka soo aadan ee ayey soo bandhigeen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona – ama si kale haddii loo sheego koox kasta ayaa soo bandhigtay maaliyadda rasmiga ah ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018.

Maaliyadaha ay kala xirtaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona waxaa sameeyey shirkadaha Adidas oo Real Madrid ah iyo Nike oo Barcelona ah, waxaadna hadda ka heli kartaa dukaannada ay leeyihiin shirkadahaasi.

Majaladda Marca ee dalka Isbaanishka ayaana soo bandhigtay qiimaha rasmiga ah ee lagu iibsan karo maaliyadaha Real Madrid iyo Barcelona ee xilli ciyaareedka soo aadan.

Haddii aad u baahan tahay shaarka ay xirtaan wiilasha tababare Zinedine Zidane waa inaad bixisaa qiimo lacageed u dhexeeya 99.95 illaa 129.95 euros, halka shaarka La Blaugrana lagu heli karo 150 euros oo kaash ah.

Taageereyaasha Madridista ayaase ku qasban inay sarre u qaadaan qiimaha haddii ay iibsanayaan maaliyad u gooni ah hal tartan oo calaamaddiisu ay ku dhegan tahay tusaale ahaan UEFA Champions League, La Liga ama FIFA Club World Cup, waxaana lagu heli karaa 140 euros, halka lebiska oo dhammeystiran, sida maaliyadda, buumaha iyo iskaalshaha lagu heli karo 208 euros.

Barcelona ayaa xilli ciyaareedka soo aadan waxay xabadka maaliyaddeeda ku xayeysiin doontaa shirkadda Rakuten, haddii aad u baahan tahay maaliyadda leh loogada UEFA Champions League ee Barcelona waxay joogtaa 180 euros, halka lebiskeeda oo dhan lagu heli karo 268 euros.

Sidaas darteed, Barcelona ayaa ka lebis qaalisan kooxda Real Madrid.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan