RASMI: Goolhaye Donnarumma oo aan heshiis u cusboonaynsiin doonin AC Milan, taasoo fursad ah Real Madrid & PSG

0
902

Waxaa la xaqiijiyey in goolhaye Gianluigi Donnarumma uusan heshiiska u cusboonaysiin doonin kooxda AC Milan kaddib markii uu goordhow soo dhammaaday kulan dhexmaray wakiilkiisa Mino Raiola iyo Milan.

Tani waxa ay fursad fiican u tahay kooxda Real Madrid iyo Paris Saint-Germain oo aad u doonayey saxiixa goolhayahan da’da yar, kuwaasoo hadda dalab ka soo gudbisan kara.

Waxa uu 18-sano jirkaan ku soo barbareeyey kooxda AC Milan, waxaana uu fursadda safka koowaad ee kooxda helay isagoo uun jira 16-sano.

Guddoomiyaha Milan ee Marco Fassone oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa yiri: “Raiola wuxuu nagu wargeliyay in Donnarumma uusan qandaraaska u kordhinaynin kooxda Milan, inkastoo aan hordhignay dalab culus,”

“Wuxuu noo sheegay inuusan sabab dhaqaale ahayn arrinku, markii uu ka soo baaraan degeyna uu go’aansaday inuusan heshiiska cusboonaysiinin,”

“Sidaas darteed, wuxuu qandaraaskiisu ku ekaa 30 bisha June 2018, waxay nagu noqotay layaab, maaddaama aan filaynay inuu Donnarumma noqon doono goolhayihii mustaqbalka ee kooxda AC Milan,”

“Ru’aantii go’aankani waa mid qaraar, balse haatan horay baannu u soconaynaa.” ayuu hadalkiisa ku soo xiray guddoomiyaha Milan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan