Wargeyska Independent oo ka farxiyay jamaahiirta Arsenal madama ay ka warameen mustaqbalka Alexis Sanchez

0
3351

Weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa u muuqda mid aan ka tageynin garoonka Emirates Stadium sida ay ku warantay jariiradda Independent madama Bayern Munich ay si hoose uga baxday loolanka xidigaan.

Arsenal waxey hubtaa ineysan kooxaha Ingiriiska ka iibin doonin Alexis Sanchez waxaana si ba’an loola xiriirinayaa Manchester City iyo Chelsea.

Independent oo xiganeysa jariiradda Jarmalka laga leeyahay ee Bild ayaa shaacisay in Bayern Munich ay isaga baxday madama aysan awoodin iney bixiso mushaaraadka uu dalbaday Alexis Sanchez kaas oo dhan 22 Malyan oo Pound.

Bavarian – waxey u dhaqaaqeysaa garabka Atletico Madrid Yannick Carrasco kaas oo qiimo ka jaban Sanchez ugu kici kara, taasna waxey farxad galisay jamaahiirta Gunners.

Arsene Wenger wuxuu isku dayi doonaa inuu dib u habeyn ku sameeyo kooxda si uu tartan xoog leh ugu galo ku guuleysiga horyaalka Premier League, waxaana qorshahiisa ugu weyn ka mid ah inuu kooxda ku celiy Sanchez iyo Ozil.

Pep Guardiola ayaa ku doonaya 50 Malyan oo Pound halka Antonio Conte uu dhankiisa ka xiiseynayo balse Wenger kalsooni ayuu ku qabaa inuu xidigiisa ka ilaashan karo dhamaan kooxaha Premier League.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan