Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga maanta oo Khamiis ah

0
3126

Weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata, oo 24 sanno jir ah, ayaa laga yaabaa inuu horraanta Isbuuca soo aadan kusoo biiro Manchester United isagoo kasoo tegaya kooxdiisa Los Blancos. (Daily Mirror).

Weeraryahanka kooxda AS Monaco Kylian Mbappe ayaa wuxuu sheegay inuu go’aan kama dambeys ah ka gaari doono dalabyada miiska u saaran marka uu si dhab ah uga fikiro xagaagaan, iyadoo 18 sanno jirkaan ay doonayaan kooxaha Arsenal iyo Real Madrid. (Daily Mail).

Liverpool ayaa ku qasban inay 35.5 milyan oo ginni jeebka ugu shubto kooxda AS Roma haddii ay dooneyso inay lasoo saxiixato 24 sanno jirka garabka ka ciyaara ee reer Masar Mohamed Salah. (Daily Mirror).

Arsenal ayaa weli diyaar u ah inay iska diido dalab kasta oo ay kooxaha Manchester City iyo Chelsea kasoo gudbiyaan 28 sanno jirka reer Chile ee weerarka uga ciyaara Alexis Sanchez. (The Independent).

Southampton ayaa ka fikireysa inay gacanta kusoo dhigto tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund Thomas Tuchel ka dib markii ay shaqada ka raacdeysay Claude Puel. (Daily Express).

Manchester City ayaa isha ku heysa inay 50 milyan oo ginni ka hesho iibka goolhaye Joe Hart, oo 30 sanno jir ah iyo gooldhaliye Kelechi Iheanacho, oo 20 sanno jir ah, labadaas xiddigna kooxdu waa ay iibineysaa, waxayna midkiiba ku rabtaa 25 milyan oo ginni. (Manchester Evening News).

Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqadu waxay tahay in Man City ay dooneyso inay nus ka mid ah lacagtii ay ugu talogashay suuqa kala iibsiga damacsan tahay inay ka hesho iibka laba xiddig, miisaaniyadda ay u dejisay inay ku qarash gareyso suuqa kala iibsiga ayaana ahaa 130 milyan oo ginni. (Manchester Evening News).

Hase yeeshee, West Ham United ayaa dooneysa inay heshiis amaah ah kula soo saxiixato goolhayaha reer England Hart. (London Evening Standard).

The Hammers ayaa sidoo kale diyaar u ah inay 10 milyan oo ginni ku dalbadaan daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Manchester United iyo xulka England Chris Smalling, oo 27 sanno jir ah. (Daily Star).

Haddii xiddiga qadka dhexe ee reer Italy Marco Verratti uu doonayo inuu xilli ciyaareedka soo aadan u ciyaaro kooxda Barcelona, markaas 24 sanno jirkaani wuxuu ku qasban yahay inuu door ka ciyaaro heshiiskaan isagoo kooxdiisa Paris St-Germain si shaqsi ah ugu qasbaya inay iska iibiso, sida laga soo xigtay kooxda Faransiiska ah. (Marca).

33 sanno jirka weerarka ka ciyaara ee reer Spain Fernando Torres ayaa iska diiday inuu qaato mushaar fara badan kuna biiro kooxda reer Mexico ee Queretaro si uu usii joogo kooxdiisa Atletico Madrid ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale. (AS).

27 sanno jirka weerarka ka ciyaara ee reer Wales Gareth Bale ayaan dooneyn inuu meelna ka aado Real Madrid inkastoo ay xaqiiqadu tahay inay xiiso dhab ah u qabto Manchester United. (Daily Mail).

Leicester City ayaa dooneysa in daafaca kooxda Hull City Harry Maguire ay ku dalbato heshiis 20.8 milyan oo ginni ku kacaya, si kale haddii loo dhaho 24 sanno jirkaan ayaa 80 kun oo ginni qaadan doona muddo shan sanno ah haddii uu kusoo biiro Foxes. (The Sun).

Tababaraha cusub ee kooxda Hull City Leonid Slutsky ayaa wuxuu wadahadallo la yeelan doonaa milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich oo ay isku dal yihiin, si uu u amaahiyo qaar ka mid ah xiddigaha kooxda Chelsea xilli ciyaareedka soo aadan. (Daily Express).

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa ku dagaalamaya saxiixa 20 sanno jirka qadka dhexe uga ciyaara kooxda FC Porto Ruben Neves. (A Bola & Daily Star).

Kooxda reer Turkey ee Fenerbahce ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay laba weeraryahan ka qaadato kooxda Leicester City waana Jamie Vardy, oo 30 sanno jir ah, iyo Ahmed Musa, oo 24 sanno jir ah. (DHA & The Sun).

Everton ayaa wadahadallo la bilaabi doonta laba kooxood oo Italy ka dhisan, iyadoo dooneysa inay lasoo wareegto weeraryahanka AC Milan Carlos Bacca, oo 30 sanno jir ah, iyo dhiggiisa Napoli Duvan Zapata, oo 26 sanno jir ah, kuwaasoo ka mid ah gooldhaliyeyaasha diiradda u saaran. (Radio CRC & Daily Express).

26 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Sunderland Fabio Borini ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo inuu dib ugu laabto horyaalka Serie A xagaagaan, inkastoo ay xiiso dhab ah u qabto kooxda Celtic. (Newcastle Chronicle).

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan