Antoine Griezmann oo si qarsoodi ah u guursaday Erika Choperena

0
1774

Kaddib markii toddobaadkan uu heshiis  5 sanadood ah u u kordhiyay kooxdiisa Atletico Madrid, taas oo uu kula sii joogi doono illaa sanadka  2022 ayaa Antoine Griezmann waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu shalay si qarsoodi ah Erika Choperena kula aqal galay Palacio de Galiana ee waddanka Spain.

Sida ay ku warramayso saxaafadda gudaha spain iyo dibaddeedaba Griezmann iyo xaaskiisa Erika oo ay u joogto gabar yar oo 1 sano jir ah ayaa waxaa xafladdii faraanti geliska soo xaadiray qoysaska labada dhinac.

Dhinaca kale Wargeyska ‘Hola’ ee Spain ayaa isna xaqiijiyay in Griezmann uu ciyaartooy yar ku casuumay meherkiisa kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ; Juanfran, Koke iyo Gameiro.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan