Chelsea oo dalab weyn ka gudbisay daafac ay muddo dheer baadigoobeysay kana ciyaara horyaalka Serie A (Warbixin)

0
1227

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dalab weyn oo dhan 52.5 milyan oo ginni ka gudbisay daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly kaasoo ay dooneyso inay lasoo saxiixato xagaagaan.

25 sanno jirkaan Kalidou Koulibaly ayey Chelsea saxiixiisa ku guuldarreysatay xagaagii lasoo dhaafay inkastoo ay ku dalbatay 40 milyan oo ginni.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaana wuxuu bedelkiisa lasoo saxiixday David Luiz oo uu kala soo wareegay kooxda PSG, kaasoo Chelsea ka caawiyey hanashada horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 2016 illaa 2017.

Si kastaba ha ahaatee, joornaalka Talyaaniga kasoo baxa Tuttomercatoweb ayaa wuxuu sheegayaa in kooxda ka dhisan Galbeedka London ay dib usoo cusbooneysiisay xiisaheedii ay u qabtay saxiixa Koulibaly.

Warbixintaan ayaana sheegeysa in Chelsea haatan dalab dhan 52.5 milyan oo ginni ay miiska u saartay kooxda Napoli si ay ugala soo wareegto daafaca caalamiga ah ee reer Senegal xagaagaan kaasoo uu Conte u arko bedelka John Terry, oo ka huleelay Chelsea.

47 sanno jirkaan u dhashay Italy Conte ayaa wuxuu u baahan yahay inuu dhiso koox Chelsea ah oo difaacan karta koobka horyaalka EPL, sidoo kalena wacdaro ka dhigi karta tartanka UEFA Premier League xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018.

Wuxuuna Koulibaly u arkaa daafac ku habboon inuu la qabsado, muhiimna u noqdo shaxda uu Conte aaminsan yahay ee 3-4-3. Balse joornaalka Talyaaniga kasoo baxa Tuttomercatoweb wuxuu sheegayaa in aysan Napoli sahal ku iibin doonin hantideeda ugu muhiimsan xagaagaan maadaama ay isha ku heyso inay xilli ciyaareedka soo aadan koobka Serie A kula dagaalanto Juventus.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan