N’Golo Kante oo daaha ka rogay kooxdii uu iska diiday ka hor inta uusan xagaagii hore ku soo biirin Chelsea

0
3381

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Chelsea ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday dalab kaga yimid naadiga Paris Saint-Germain ka hor inta uusan ku soo biriin Blues oo uu xagaagii hore kaga yimid kooxda Leicester City.

Kante ayaa ahaa qalabkii ka caawiyey kooxda Foxes inay ku guuleysato horyaalka Premier Leaguer markii ugu horreysay taariikhdooda intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii 2015-16, ka hor intii uusan u wareegin garoonka Stamford Bridge, halkaasoo uu sidoo kale ku qaaday horyaalkiisii labaad oo xiriir ah xilli ciyaareedkii hore.

26-sano jirkaan bandhiggiisii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2016-17 ayaa keenay inuu ku guuleysto abaal-marinno dhowr ah oo ay ku jiraan PFA Player iyo FWA Footballer of the Year, laakiin xaalku waa ka duwanaan lahaa sidan haddii uu markii hore ku biiri lahaa kooxda PSG.

“Waa run in PSG ay ka tahay sida koox wayn, inkastoo aan xilli ciyaareed fiican ku soo qaatay Leicester, laakiin waxaan doortay Chelsea, kaddib markii aan la hadlay tababaraha iyo agaasimaha ciyaaraha, mana ka shalaynayo.” ayuu Kante u sheegay Le Parisien.

“Sidoo kale waxaan jeclahay horyaalka Ingiriiska iyo qaabka ay ciyaaryahannadu u ciyaaraan.” Ayuu raaciyey hadalkiisa.

Kante ayaa kaliya ah xiddiga labaad ee labo xilli ciyaareed oo isku xiga labo kooxood oo kala duwan kula guuleystay horyaalka Premier League, kaddib Mark Schwarzer.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan