« Waan u sheegay Paulo Dybala in haddii uu doonayo inuu ciyaarihiisa horumariyo uu isaga tago Juventus» – Dani Alves

2
2582

Dani Alves ayaa markale caddeeyey inuusan la gambanin hadalka maskaxdiisa ku jira kaddib wareysi uu siiyey wargeyska ka soo baxa dalkiisa Brazil ee la yiraado Esporte Interativo.

Daafaca kooxda Juventus ee Dani Alves waxa uu talo siiyey laacibka ay isku kooxda yihiin ee Paulo Dybala, isagoo u sheegay inuu isaga tago Turin, haddii uu doonayo inuu horumariyo ciyaarihiisa.

«Dybala waa geed miro dhalaya, marar fara badan ayaan wadahadalnay, maalmin maalmaha ka mid ah maalintii ay ahayd ma xusuustee, waxaan u sheegay inuu isaga tago Juventus haddii uu doonayo inuu ciyaarihiisa sii horumariyo » ayuu Alves u sheegay Esporte Interativo.

Xiddiga uu qandariiska Juventus ku eg yahay sanadka 2018 ee Alves ayaa caddeeyey inuu jecel yahay inuu ka dheelo horyaalka Ingiriiska, waxa uuna yiri: « Maalin maalmaha ka mid ah waan ka ciyaari doonaa halkaas ? goormee ? yaa garanaya, waan arki doonnaa.»

Waxa uu sidoo kale caddeeyay Alves sababtii uu uga soo tagay Barcelona oo uu u go’aansaday in uu ku biiro Juventus, waxaana uu yiri:-

« Muddo dhowr sanadood ah, waxaan diidayay dalabyada iiga imaanayay Horyaalka Ingiriiska, maxaa yeelay waxaan dareemayay in marka hore aan aado Serie A-da Talyaaniga, Ingiriiska waxaa yaalla dhaqan difaac ah, si aad halkaasi uga ciyaartana waa inaad awooddaa inaad u difaactanto si wanaagsan »

Paulo Dybala oo 19 gool dhaliyey xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo ay ku jiraan saddex gool oo uu ka dhaliyey heerka bug-baxa Champions League ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican waqtigan adduunka.

Dybala ayaana la la xiriirinayaa inuu u dhaqaaqi doono midkood kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona.

SHARE

2 Fikradaha Akhristayaasha

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan