Chelsea oo £ 200m u ballan qaaday macalin Conte -Barkley, Lukaku, Bakayoko iyo xiddigaha kale ee ku biiri kara Bules

0
1738

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u yihiin xagaagan inay kharash gareeyaan lacag lagu sii hayo tababaraha kooxda Conte.

Waxaa jiray warar badan oo la isla dhexmarayo oo ku aadan mustaqbalka macalinka Talyaaniga ah, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay la sheegayay in macalinkaan uusan ku faraxsaneyn xaalada suuqa ee kooxda Chelsea.

Iyadoo kooxaha Manchester United iyo Manchester City durbaba bilowga xagaaga suuqa dhaqaale geliyeen, Blues ayaan weli wax ciyaartooy ah lasoo wareegin.

Wargeyska Telegraph ayaa warinaya in Conte uu ka niyad jabay dhowr ciyaartooy oo ay kooxdiisa dalab u dirtay xili ciyaareedkaan.

Macalin Conte ayaa ka xanaaqay maamulka Chelsea oo ku guuldareysatay inay la soo wareegaan daafaca kooxda Southampton Virgil van Dijk iyo weeraryahanka Napoli Dries Mertens.

Antonio Conte

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa diyaar u ah in ay dib u dhisto niyada tababaraha, iyadoo jeebka ugu shubeysa £ 200m oo uu suuqa ku galo xili ciyaareedkaan.

Chelsea waxaa bartilmaameed u ah ciyaartooyda Monaco iyo Everton Tiemoue Bakyoko iyo Romelu Lukaku.

Wargeyska Telegraph ayaa sheegay in kooxda heysata horyaalka Premier League ay ku dhowdahay inay heshiis la garato labada ciyaaryahan.

Conte ayaa ku guuldareysatay inuu lasoo wareego Alvaro Morata, iyadoo weeraryahanka Real Madrid la filayo inuu ku biiro kooxda Manchester United.

Laakiin Bules ayaa qarka usaaran saxiixa Lukaku oo lagu wado inuu noqdo weeraryahanka kooxda hogaamin doona xilli ciyaareedka soo socda.

Romelu Lukaku

Diego Costa ayaa hore loogu sheegay inuu mustaqbal ku lahayn kooxda, Conte ayaana rajo ka leh inuu keeno weeraryahan tayo sare leh.

Tababarihii hore ee Juve ayaa doonaya inuu Chelsea kusoo daro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton Ross Barkley iyo xiddiga garabka kaga ciyaara kooxda Leicester Riyad Mahrez.

Sidookale Chelsea ayaa dunida ka yaabsan doonta marka ay beeca xorta ah ku keento goolhayaha kooxda Manchester City Willy Caballero.

Ninka reer Argentina ayaa ka tagi doono Etihad Stadium dhamaadka bishaan, markaasoo uu dhacayo qandaraaskiisa kooxda City.

Chelsea ayaa la filayaa in ay ka dhigaan wayeelkaan bedelka Asmir Begovic oo ku biiray kooxda Bournemouth bishii la soo dhaafay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan