Duqa magaalada Salto ee Andres Lima oo ka hadlay gargarkii uu magaaladaas gaarsiiyey Luis Suarez

0
944

Duqa magaalada Salto ee Andres Lima ayaa ka hadlay deeqdii gargaarka ahayd ee uu magaaladaas gaarsiiyey laacibka xulka qaranka Uruguay ee Luis Suarez.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Luis Suarez ayaa kaalmo tabarucaad ah oo isugu jirta raashin, bustayaal, dhar, xafaayado iyo waxyaabo kale gaarsiiyey dadkii dhibaatadu ka soo gaartay daadkii ku dhuftay halka la yiraahdo Salto ee dalkiisa Ururguay.

Isagoo ka hadlayey deeqdaas uu Suarez gaarsiyey magaalada Salto ayuu duqa magaaladaasi ee Andres Lima waxa uu yiri: “Markale wuxuu muujiyay midnimo wuxuuna rajo iyo caawinba siiyay boqolaal qoys kuwaas oo la dhibtoonaya daadadka,”

“Badanaa marka la sameynayo tabarucaadaha ceynkan oo kale ah, dadku waxay doorbidaan in magacooda la qariyo, laakiin way fiican tahay in dadyowga Salto ay ogaadan in Luis Suarez uu taageerayo dhulkiisa hooyo.”

Duqa magaalada Salto ee dalka Uruguay ayaa ku booriyey xiddigaha kale ee u dashay dalkiisa Uruguay ee dheela ciyaaraha kala duwan in sida Suarez oo kale ay soo caawiyaan dadkooda ku dhibaataysan dalkooda hooyo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan