Hector Bellerin oo si cajiib ah u caawinaya dadkii ku waxyeeloobay dabkii ka kacay dhismaha Grenfell Tower ee magaalada London

0
887

Hector Bellerin ayaa si cajiib ah u caawinaya dadkii ku waxyeeloobay dabkii ka kacay dhismaha Grenfell Tower ee magaalada London, waxaana uu Bellerin ballan qaaday in 50 bound uu ugu talo galay inuu siiyo dadka dabkaas dhibaatadu ka soo gaaray daqiiqad kasta oo uu u ciyaaro xulkiisa Spain ee da’diisu ka hooseyso 21-sano jirrada tartanka U21 Euro 2017.

Difaacan ka tirsan kooxda Arsenal ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyey ee tabarucaad u fidiya dadka ku waxyeeloobay dabkii ka kacay subaxnimadii Arbacda dhisamaha Grenfell Tower ee galbeedka London.

Laacibka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa horay sheegay inuu deeq taba rucaad ah gaarsiin doono dhibaneyaasha ku waxyeeloobay dabkaas, halka kooxda Brentford ay sidoo kale ku dhawaaqday in lacagaha ka soo xarooda kulanka saaxiibtinnimo ee ay la dheeli doonaan Southampton ay ugu deeqi doonaan dadka ku waxyeeloobaday dabaas ka kacay Grenfell Tower.

Bellerin ayaa ugu badnaan shan kulan u ciyaari doona xulkiisa Spain tartankan EURO U21, waxaana haddii uu 22-sano jirkaan ciyaaro kulamadaas oo aan lagu darin waqtiga dheeriga ah (Extra Time) uu isku dar dheeli doonaa 4,500 oo daqiiqo (Afar kun iyo shan boqol oo daqiiqo), waxaana soo bixi doonta lacag dhan 22,500 oo bound (Labaatan iyo labo kun oo bound) oo uu ugu deeqayo dadkaas dabka dhibanaha u noqday.

“Daqiiqad kasta oo aan ciyaaro U21 EURO, waxaan tabarucaad ku bixin doonaa 50 bound, si loogu caawiyo dhibanayaashii Grenfell Tower, fadlan ku taageer hab kasta.” ayuu xiddigan Bellerin maanta ku soo qoray bartiisa Twitter-ka

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan