Juventus oo isku tijaabinaysa Donnarumma waloow Real Madridna meesha soo gashay

0
663

Agaasimaha Guud ee kooxda Juventus Beppe Marotta ayaa sheegay in ay shaqo badan u taallo taasoo ah sidii wiilka xirfadda fiican ee Goolhaye Guinluigi Donnarumma uga dhaadhicin lahaayeen inuu ku soo biro kooxda Juventus, waxaana sidoo kale Agaasimuhu xusay in ay wadaan heshiis kale oo ay aad ugu dhow yihiin inay la soo wareegaan Douglas Costa oo Bayer Munich u dheela.

Marotta waxa uu warbaahinta u sheegay in Juventus aysan ka dambeynin in Donnarumma uu go’aan ku gaaro inuu isaga tago kooxda AC Milan isagoo xusay in markii hore Juventus ay rabtay in ay hesho goolhayaha Arsenal Wojciech Szczesny, laakiin heliddiisa weli suurtogal uma muuqato.

“Marka goolhaye sida Donnarumma oo kale ah suuqa la soo dhigo waxaa shaqadeennu tahay inaan arrintaa u dhaqaaqno” ayuu Marotta u sheegay war fidiyeennada.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa iyaduna sida uu ku warramayo Wargeyska ‘La gazzetta dello Sport’ waxa ay doonaysaa in Donnarrumma ay ku adkeyso goolhayeheeda kale ee Keylor Navas.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan