KASHIFAAD: Afarta sababood ee dhabta ah ee khilaafka ka dhex abuuray tababare Antonio Conte iyo maamulka kooxda Chelsea

0
1542

Mustaqbalka tababare Antonio Conte ee kooxda Chelsea ayaa waxaa ku jira shaki dhab ah, weeraryahanka shushubka ah ee reer Spain Diego Costa ayaana ugu horreeya afar sababtood oo tababarahaan ku hogaamin karta inuu ka huleelo Blues inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018.

Majaladda The Sun ee dalka Ingiriiska ayaa shalay oo Jimco aheyd daaha ka qaaday in tababare Conte uu isha ku hayo inuu iska casilo xilka tababarenimo ee kooxda Chelsea xagaagaan, maanta oo Sabti ah markale The Sun ayaa sharraxday afarta sababood ee dhabta ah ee uu Conte sababsan doono haddii uu ka tago kooxda ka dhisan Stamford Bridge.’

Waa midda koowaade, khilaafka ka dhexeeya isaga iyo 28 sanno jirka asal ahaan u dhashay dalka Brazil Costa, kaasoo taageero ka hulaya qaar ka mid ah maamulka sarre ee kooxda Chelsea balse tababare Conte uu farriin qoraaleed ugu sheegay in uusan ka mid aheyn qorsheyaashiisa kooxda ee xilli ciyaareedka soo aadan.

Balse mustaqbalka Costa ma ahan oo keliya dhibaatada uu tabanaayo tababare Conte ee keentay inuu xumaado xiriirka ka dhexeeya isaga iyo maamulka sarre ee kooxda Chelsea.

Dhibaatada ugu weyn ayaa waxay tahay inuu tababaraha u dhashay dalka Italy si weyn uga careysan yahay sida uu u fashilmayo qorsheyaasha kooxdiisa ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xagaagaan ka hor xilli ciyaareedka soo aadan oo ay ka ciyaari doonaan tartanka UEFA Champions League.

Balse ma ahan arrin hadda soo bilaabatay, xagaagii lasoo dhaafay iyo bishii January ee horraantii sannadkaanba tababarihii hore ee Juventus lama uusan dhicin shaqada ay maamulka Chelsea kasoo qabteen suuqa kala iibsiga.

Conte wuxuu si daran u doonayey daafaca dambeedka bidix ee Juventus iyo xulka Brazil Alex Sandro laakiin inuu lasoo wareego ayaa laga horjoogsaday, wuxuu u baahnaa weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata balse wuxuu haatan u muuqdaa inuu u saxiixayo Manchester United.

Arrinta seddaxaad ayaa waxay tahay in uusan Conte ku faraxsaneyn shaqaalaha tababarka ee uu heysto, tani waxay ka dambeysay markii uu baxay Steve Holland oo si joogto ah ugu biiray xulka qaranka England.

47 sanno jirkaan Conte ayaa si heer sarre ah u qiimeeya Steve Holland iyo aqoonta sarre ee uu u leeyahay kubadda cagta Ingiriiska, wuxuuna ka cabsi qabaa in shaqaalaha tababarka ee haatan u haray aysan siin karin macluumaad kaga filan inuu difaacdo horyaalka England Premier League xilli ciyaareedka soo aadan.

Arrinta ugu dambeysa ee khilaafka ka dhex abuurtay maamulka Chelsea iyo tababare Conte waxay tahay qaabka loo hormarinayo akadeemigga kooxda Chelsea.

Xagaagii lasoo dhaafay ayuu arrintaan kala hadlay maamulka kooxdiisa, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu xilka tababarenimo ee akadeemigga Chelsea u dhiibo shaqsi uu isagu shaqadiisa la dhacsan yahay – balse waxaa loo sheegay inuu tababaraha haatan Neil Bath taageere wanaagsan ka heysto maamulka sarre oo dhan.

Tababaraha reer Italy ayaana wuxuu haatan sharad uga dhigay Blues in maamulka akadeemigga kooxda Chelsea boqolkiiba 100 isaga gacanta loo geliyo, ama haddii aysan sidaas aheyn uusan la shaqeyn doonin akadeemigga kooxda oo dhan.

Afartaan sababood ayaa ka dambeysa khilaafka u dhexeeya tababare Conte iyo maamulka kooxda Chelsea, balse yaa qaladka iska leh?

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan