Luis Suarez oo kaalmo tabarucaad ah gaarsiiyey dadkii ay saameeyeen daadadkii ku dhuftay dalkiisa Uruguay

0
722

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Luis Suarez ayaa kaalmo tabarucaad ah oo isugu jira raashin, bustayaal, dhar, xafaayado iyo waxyaabo kale gaarsiiyey dadkii dhibaatadu ka soo gaartay daadkii ku dhuftay halka la yiraahdo Salto ee dalkiisa Ururguay.

Tabarucaaddan uu bixiyey Suarez ayaa durba laga dejiyey caasimadda Montevideo, iyadoo halkaasi si dhaqso ah looga sii qaadi doono, loona gudbin doono waaxda isku duba-ridka gargaarka deg degga ah ee Salto, kuwaasoo maasuul ka ah qeybta gargaarkaas.

Kaliya Salto ma’ahan meelaha ay fatahaaduhu ka dhaceen ee sidoo kale waxa ay wabiyadu fahataado ka geysteen gobollada Artigas iyo Paysandu.

In ka badan 7,000 (Todoba kun oo ruux) ayayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inay saameyn ku yeesheen daadadkaasi.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan