Man United oo Arsenal ku cariirineysa weeraryahan lagu qiimeeyo 50 Malyan hadii ay weyso Alvaro Morata – waa kee?

0
1868

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa iney u dhaqaaqi doonto weeraryahanka Olympique Lyon Alexandre Lacazette hadii ay ku fashilanto raacdada ay ugu jirto saxiixa weeraryahanka reer Spain Alvaro Morata.

Arsenal ayaa haatan ugu cad-cad loolanka loogu jiro weeraryahanak reer France iyadoo Lyon ay farta ka saari doonto xidigaan kooxdii bixisa aduun dhan 50 Malyan oo Pound.

L’Equipe ayaa qortay in Man United iyo kooxo kale oo ay ku jiraan Chelsea, Liverpool, Atletico Madrid iyo Borrusia Dortmund ay quuldareynayaan saxiixa Lacazette.

Red Devils waxey haatan qarka u saaran tahay iney lasoo saxiixato weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata kaas oo sheekadiisa ay dhawdahay, balse dooqa labaad waxaa u ah Lacazette oo ay u dhaqaaqi doonto hadii ay ku fashilanto arintiisa.

Wargeyska wuxuu sidoo kale ku waramay in Man United iyo Arsenal uu dhexmari doono dagaal dhanka suuqa ah oo ku aadan Alexandre Lacazette, balse Lyon waxey ka iibin doontaa kooxdii ay danahooda ka dhex arkaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan