Sanchez iyo Ozil oo sii joogi doona kooxda Arsenal xilli ciyaareedka cusub kaddib markii sawir qarsoodi ah laga helay!

0
1939

Waxaa la soo jeediyey in ciyaaryahannada Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil ay sii joogi doonaan kooxdooda Arsenal xilli ciyaareedka soo socda, kaddib markii ay ka soo muuqdeen sawir si qarsoodi ah loo soo bandhigay kaasoo muujinaya maaliyadda cusub ee ay Gunners ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub ee 2017-18.

Shirkadda Puma ayaa fasamaysay maaliyadda cusub ee Arsenal taasoo ay ka soo muuqdeen Ozil iyo Sanchez, waxaana la filayaa in ay kooxda Gunners si rasmi ah u soo bandhigi doonto 21 bisha June, laakiin taageerayaasha Arsenal ayaa durba garanaya qaabka ay u ekeen doonto maaliyadda kooxdooda.

Waxaa maaliyadda cusub ee Arsenal si qarsoodi ah loogu soo bandhigay Internet-ka, waxaa sawirka xiddigaha xiran maaliyaddaas la soo bandhigay ka soo muuqday ciyaaryahannada mustaqabalkooda kooxda shakiga la galinayo ee Sanchez iyo Ozil.

Marka laga soo tago Ozil iyo Sanchez oo ka soo muuqday maaliyadda cusub ee ay kooxda Arsenal ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub ee 2017-18, waxaa kaloo sawirka kala soo muuqday xiddigo kale oo ka tirsan Gunners.

Ciyaaryahannada kale ee sawirkan qarsoodiga ah ka soo muuqday waxaa ku jira goolhaye Petr Cech, kabtanka kooxda Arsenal Per Mertesacker iyo Olivier Giroud kaasoo la la xiriinayey inuu u qaaqi doono kooxaha West Ham United iyo Marseille.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan