Sidee ayay noqon doontaa shaxda Barcelona marka lagu daro Bellerin, Verratti iyo Herrera?

0
2756

Barcelona ayaa lagu wadaa inay lasoo wareegto ciyaartoy dhowr ah inta lagu jiro xagaaga, laakiin sida uu noqon karo line-upka kooxda xilli ciyaareedka soo socda ayaa lawada sugayaa.

haddii ay kooxda Barcelona ku guuleysato ciyaartooyda diirada u saran waqtigaan, waxaa isbedel weyn uu ku dhici doonaa shaxda koowaad ee garoonka soo galeysa.

Dhowr ciyaartoy oo Barcelona ayaa loo maleynayaa inuu fasaxo macalinka cusub ee Ernesto Valverde, iyadoo tababarihii hore ee Athletic Bilbao uu durba bilaabay qorshaha kooxdiisa cusub.

Arda Turan iyo Andre Gomes ayaa kujira liiska ciyaartoyda loo maleynayo in ay fasaxeyso kooxda, laakiin kooxda reer Catalan ayaa durba soo bandhigtay saxiixyada cusub oo ay u baahan tahay.

Xiddiga Manchester United Ander Herrera ayaa kamid ah liiska ciyaartooyda ku biiri kara Barcelona, laakiin Red Devils ayaa u muuqata mid aan fasixi Karin ciyaaryahanka reer Spain.

Kooxda La Liga ayaa sidoo kale dooneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti, iyadoo 24-sano jirka talyaaniga  lagu soo waramayo inuu doonayo ku biirista Bulgrana.

Ciyaaryahankii hore ee dhalinyarada Barcelona Hector Bellerin oo muddo dheer diirada u saran tahay maamulka Catalan, iyo daafaca Ajax Davinson Sanchez ayaa sidookale kamid ah ciyaratooyda ku biiri kara Barcelona.

Haddaba kooxda Barcelona side ayuu noqon karaa safkeeda maalinta furitaanka xilli ciyaareedka soo aadan?

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan