WAR CUSUB: Jeeb weynayaasha Manchester City oo doonaya inay soo xero geliyaan Cristiano Ronaldo, kana dul qaadaan Man United saxiixiisa!

0
1027

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa doonaysa inay heshiis la gasho oo ay la soo saxiixato Cristiano Ronaldo, kaddib markii ay maqleen inuu laacibkan isaga tagayo kooxdiisa Real Madrid.

Warsidaha Don Balon oo warkan daabacay ayaan sheegin qiimaha ay kabtanka Portugal ku doonayso kooxda Manchester City, laakiin waxa ay xustay inay ku soo biireen xusul duubka loogu jiro soo xero gelinta xiddigan.

32-sano jirkaan Ronaldo ayaa go’aansaday inuu isaga tago kooxdiisa Real Madrid kaddib markii dowladda Spain ay xiddigaan ku soo eedeysay inuu lunsaday qiimo lacageed dhan 14.7 milyan oo euros oo canshuur ah intii u dhexeysay sanadihii 2011 illaa 2014.

Weeraryahanka xulka qaranka Portugal ayaa si adag loola xiriirnayaa kooxda ay Man City xafiiltamaan ee Manchester United, waxaana la warinayaa inuu dib ugu laaban doono garoonka Old Trafford, laakiin macallin Pep Guardiola ayaa doonaya inuu saxiixa laacibkan ku garaaco Jose Mourinho, kana dul qaado kooxda Man United.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan