WARBIXIN: Imise kun oo Doolarka Mareykanka ah ayuu Lionel Messi xalay ku casheeyey?… (Ma aaminaysid markaad aragto!)

0
7483

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa waxa uu haatan fasax ku joogaa Jasiiradda Ibiza ee dalka Spain, waxaana uu xalay casho ka bixiyey qaar ka mid ah saaxiibadiis.

Markii la casheeyey kaddib ayaa weeraryahanka reer Argentina ee Lionel Messi waxa uu bixiyey lacagtii lagu casheeyey oo dhan oo uu siiyey maqaayaddii ay ka casheeyeen ee ku taala goobta loo dalxiis tago ee Ibiza.

Messi waxa uu bixiyey lacag dhan 37,000 oo Euros (Sodon iyo todoba kun oo Euro) oo u dhiganta 41 kulan oo Doollarka Mareykan, lacagtaasoo xalay hal fadhi looga kacay.

Marka la eego warqada lacag bixinta ee uu Messi ku bixiyey lacagta ayaa waxaa kuu soo baxaysa marka la kala qaad qaado qaar ka mid ah waxyaabihii ay cuneen inuu 23 xabo oo Pizza ka dhiibay 621 Euro oo u dhiganta 695 doollar.

Waxaa kaloo intaas kuu sii dheer in 6 xabo oo hilib Burger ah laga siiyey xabadkiiba 112 Euro, waxaana ay isku noqotay lixaas xabo 672 Euro.

Warqadda lacag bixinta sidoo kale waxaa ku qoran inay cuneen 6 xabo oo Aargoosato ah oo xabadii ay tahay 90 Euro, wadar ahaanna noqonaysa lixda xabo 540 Euro.

24 dhalo oo qamro ah ayaa iyadana waxa ay ku cabeen 24,600 oo euro (Afar iyo labaatan kun iyo lix boqol oo Euro), halka Coffee iyo shaaxa ay cabeen marka la isku daro uu isku fariisanayo lacag dhan 66 Euro.

Waxaan meesha ka marnayn inay cuneen 4 saxan oo qudaar ah, iyadoo halkii saxan oo qudaarta ahna laga siiyey 250 euro, waxaana wadar ahaan ay afarta saxan oo qudaarta ah noqonayaan 1,000 Euro.

HALKAAN HOOSE KA EEG RASIIDKII UU LACAGTA KU BIXIYEY MESSI:-

Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya inuu la aqal galo gabadha ay ilaa carruurnimadoodii xiriir wadaagga ahaayeen ee Antonella Roccuzzo, waxaana Arooskooda lagu wadaa inuu 30 bishan June ka dhaco magaalada Rosario ee dalkiisa hooyo ee Argentina.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan