Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga maanta oo Sabti ah – Mustaqbalka CR7 maxaa laga yiri?

0
4264

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa waxay daaha ka qaadeen in gooldhaliye Cristiano Ronaldo, oo 32 sanno jir ah, uusan u sheegin inuu doonayo inuu Los Blancos ka huleelo xagaagaan. (ABC).

Si kastaba ha ahaatee, gooldhaliyaha qaranka Portugal ayaan qorsheyneyn inuu dib ugu soo laabto dalka Spain marka uu ciyaaro koobka Confederations Cup 2017 oo caawa oo Sabti ah ka bilaaban doona dalka Russia. (Record).

Ronaldo ayaa xitaa u sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes muddo laba bilood ka hor ah inuu doonayo inuu ka tago Real Madrid. (AS).

Maamulka kooxda Chelsea ayaan isku diyaarin inay tababare Antonio Conte siiyaan koontarool ka badan inta uu haatan ku leeyahay siyaasadda kooxda, waxaana lasoo jeedinayaa inuu tababaruhu si weyn uga careysan yahay qaabka ay kooxdiisu illaa haatan ugu fashilmeyso inay lasoo saxiixato xiddigo waa weyn xagaagaan. (The Guardian).

Laakiin Blues ma damacsana inay u ogolaato tababare Conte inuu ka tago xagaagaan, waxayna u fidin doontaa taageero dhanka suuqa kala iibsiga ah, iyadoo uu lasoo saxiixanayo afar ciyaaryahan, oo uu ku jiro 24 sanno jirka weerarka uga ciyaar Everton Romelu Lukaku, guud ahaan 250 milyan oo ginni ayaana jeebka loogu shubi doonaa. (Daily Mirror).

Goolhayaha laga fasaxay Manchester City Willy Caballero ayey u badan tahay inuu ku biiro Chelsea iyadoo 35 sanno jirkaani uu noqon doono saxiixii ugu horreeyey ee Blues sameyso xagaagaan. (Evening Standard).

Tottenham ayaa u sheegtay kooxda Manchester United inay bixiso qiimo lacageed dhan 50 milyan oo ginni si ay ula saxiixato 23 sanno jirka qadka dhexe ee reer England Eric Dier. (Daily Telegraph).

Arsenal ayaa dib ugu laaban doonta kooxda Lyon iyadoo ka dooneysa markale 26 sanno jirka weerarka ka ciyaara Alexandre Lacazette, laakiin markaan ku dhowaad 50 milyan oo ginni ayey ku dalban doontaa gooldhaliyaha France u dhashay, iyadoo Gunners laga soo diiday dalab 30 milyan oo ginni ah xagaagii lasoo dhaafay. (Daily Telegraph).

Lyon ayaa wadahadallo horumar sameeyey la yeelatay kooxda Chelsea iyadoo ka dooneysa inay heshiis amaah ah ugala soo wareegto weeraryahan Bertrand Traore, kaasoo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah kula joogay kooxda Ajax. (Evening Standard).

Dani Alves ayaa dhaleeceeyey taageereyaasha kooxda Juventus ee soo jeedinaya in 23 sanno jirka weeerarka ka ciyaara ee reer Argentina Pablo Dybala ay tahay inuu kooxda si uu guulo uga gaaro xirfaddiisa kubadda cagta. (Il Giornale).

Weeraryahankii hore ee kooxaha Arsenal iyo Manchester United Robin van Persie ayaa diyaar u ah inuu ka tago kooxda Fenerbahce, 33 sanno jirkaan ayaana dib ugu laabanaya kooxda Feynoord ee dalkiisa Holland. (FR12.nl).

West Ham United ayaa xiiso u qabta saxiixa 21 sanno jirka garabka uga ciyaara kooxda Middlesbrough Adama Traore, laakiin Boro ayaan isha ku heyn inay iibiso xiddigeeda. (Teesside Gazette).

Inter Milan ayaa 45 milyan oo ginni ku dooneysa garabka diiradda u saraan kooxda Manchester United ee reer Croatia Ivan Perisic, laakiin Red Devils keliya 30 milyan oo ginni ku qiimeysa 28 sanno jirkaan. (Manchester Evening News).

Garabka weerarka kooxda Bayern Munich Douglas Costa ayaa qarka u saaran inuu heshiis ku kacaya 26 milyan oo ginni ugu wareego kooxda Juventus, iyadoo 26 sanno jirkaani uu durba heshiis afar sano ah la meeldhigay kooxda Old Lady. (L’Equipe).

Arsenal ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato 22 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda AC Milan M’Baye Niang, laakiin waa inay saxiixiisa ku garaacdo Everton, xiddigaan ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah kula joogay kooxda Watford. (Hertfordshire Mercury).

Kooxda Birmingham City ayaa dalab uu Isbuucii ku qaadanayo mushaar 100 kun oo ginni ah u bandhigtay kabtankii hore ee kooxda Chelsea John Terry, laakiin weli waxay sugeysaa inuu ka aqbalo dalabkaas. (Daily Mirror).

Swansea ayaa wadahadallo kula jirta kooxda reer Turkey ee Galatasaray taasoo dooneysa inay iibsato 31 sanno jirka weerarka ka ciyaara ee reer France Bafetimbi Gomis kaasoo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay heshiis amaah ah kula soo joogay kooxda France ka dhisan ee Marseille. (Wales Online).

Hull City iyo Newcastle United ayaa ku dagaalamaya saxiixa 19 sanno jirka weerarka ka ciyaara ee reer England Tammy Abraham si ay amaah ugu qaataan, waxaana milkiyaddiisa iska leh kooxda Chelsea. (The Sun).

Inkastoo maamulka Manchester City ay siiyeen 300 milyan oo ginni xagaagaan, hadana tababare Pep Guardiola ayaa diiday inuu 70 milyan oo ginni kusoo iibsato 25 sanno jirka daafaca dambeedka dhexe ee dalka Holland iyo kooxda Southampton Virgil van Dijk.  (Manchester Evening News).

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan