AC Milan oo damacsan inay qorshe qosol leh ku qaadato Cristiano Ronaldo – xitaa Real Madrid ayey ka yaabsatay

0
2771

Magacyada Cristiano Ronaldo iyo goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaa maalmihii ugu dambeeyey saarnaa bogaga hore ee joornaallada laga akhristo Yurub ee ka hadla arrimaha ciyaaraha.

32 sanno jirka Cristiano Ronaldo wuxuu caddeeyey inuu doonayo inuu ka tago kooxdiisa Real Madrid, halka goolhaye Gianluigi Donnarumma, oo 18 sanno jir ah, uu iska diiday qandaraaskii ugu dambeeyey ee ay usoo bandhigtay AC Milan.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Milan ee Massimiliano Mirabelli ayaana wuxuu mashruuc lagu qoslo usoo bandhigay Real Madrid, wuxuuna ku wargeliyey inay kooxdiisa Rossoneri diyaar u tahay inay ganacsi la sameyso Los Blancos haddii gooldhaliyaha reer Portugal Cristiano Ronaldo ay usoo dirayaan San Siro.

Wargeyska La Corriere dello Sport ayaa kasoo xigtay Massimiliano Mirabelli: “Haddii Ronaldo uu doonayo inuu dhibaato la xiriirta arrimaha canshuurta uga tago Real Madrid, sidoo kalena ay Real Madrid dooneyso Gianluigi Donnarumma, markaas waxaan diyaar u nahay inaan la hadalno Florentino Perez.”

Massimiliano Mirabelli oo kaftamaya ayaa hadalkiisa raaciyey: “Dabcan waxay Real Madrid caddeysay inay 400 milyan oo euros ku dooneyso Ronaldo, warbaahinta Spain ayaan ka maqlay, laakiin haddii ay heshiiska Gianluigi Donnarumma ay ku dareyso diyaar ayaan u nahay”.

Marka gees la iska dhigo kaftanka, Mirabelli wuxuu caddeeyey in aysan Milan qiimo kasta ku iibin doonin goolhayaha mustaqbalka leh ee reer Italy Donnarumma, inkastoo qandaraaskiisu uu dhici doono xagaaga soo aadan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan