Antonio Conte oo diyaar u ah inuu dhabarjebiyo tababare Jose Mourinho – xiddig jooga 70 milyan ayey isku heystaan!

0
2724

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay dhabarka ka jebiso kooxda ay ku xifaaltamaan horyaalka England Premier League ee Manchester United, waxayna diyaar u tahay inay ka afduubato saxiixa gooldhaliye Alvaro Morata.

Chelsea ayaa dooneysa inay gooldhaliyaha kooxda Real Madrid Alvaro Morata bedel uga dhigto Diego Costa, kaasoo qarka u saaran inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Morata ayaa la fahamsan yahay inuu xilli hore heshiiska shaqsiga ah la meeldhigay kooxda ka dhisan Old Trafford, laakiin milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa diyaar u ah inuu dalab 70 milyan oo ginni ah ka gudbiyo 24 sanno jirkaan iyadoo ay rajadiisu tahay inuu keeno garoonka Stamford Bridge, sida laga soo xigtay joornaalka Daily Mirror.

Kooxda difaacaneysa koobka Premier League ayaa sidoo kale dooneysa weeraryahanka kooxda Everton Romelu Lukaku, kaasoo ula muuqda bedelka Costa, kaasoo uu Conte farriin qoraaleed ugu sheegay in uusan wax mustaqbal ah ku laheyn Galbeedka London.

Haddii Chelsea ay lasoo wareegto Morata waxay taasi caddeyn u noqon doontaa in tababare Conte uusan meelna uga socon Blues xilli ciyaareedka soo aadan, ka dib markii ay Isbuucaan soo bexeen warar sheegaya inuu 47 sanno jirkaani ka careysan yahay qaabka ay Chelsea u wajahday suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, dhibaatada heysata Chelsea iyo Man United waxay tahay inay Real Madrid labadaan kooxoodba ciyaartooy ka dooneyso, sidaas darteed laga yaabo inay shuruud uga dhigto inay ciyaartoydaas heshiiska qeyb kaga dhigaan si ay u qaataan Morata.

Los Blancos ayaa dooneysa goolhayaha Man Utd David De Gea, waxayna Man Utd u bandhigtay inay heshiiskaan qeyb ka mid ah ka dhigto 26 sanno jirka reer Spain. Halka ay sidoo kale muddo dheer raadineysay goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois, kaasoo haatan hakiyey qorshe uu qandaraaska ugu kordhin lahaa Blues.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan