Chamberlain oo ka careysan mamaulka Arsenal xili Liverpool & Chelsea heegan ugu jiraan xaaladiisa

0
962

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa lagu soo waramayaa inuu ka careysan yahay sida ay kusocdaan wadahadalada uu heshiiska cusub ugu saxiixayo kooxda Arsenal.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa waxaa ka harsan qandaraaskiisa kooxda Arsenal kaliya 12 bilood.

Laakiin 23-sano jirkaan oo la filayay inuu la fariisto maamulka kooxda si uu kala hadlo mustaqbalkiisa ayaa warar hadda soo baxay ay sheegayaan inuusan ku qanacsaneyn bilowga wadahadalka.

Arsene Wenger ayaa mar hore xusay inuu doonayo Oxlade-Chamberlain inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Gunners.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqataa Arsenal in ay dhibaato kala kulmeyso wadahadalka ciyarayahanka reer Emgland.

sida laga soo xigtay Daily Mail, xiddiga reer England ayaa ka careysan qaab ay wax u wado kooxda ku ciyarata garoonka Emirates.

Ku dhawaad hal bil ayaa kasoo wareegtay dhamaadkii xilli ciyaareedkaan, laakiin majiro wax wadahadal rasmi ah oo la isla meel dhigay sida warbaxinta lagu xusay.

Oxlade-Chamberlain ayaa xitaa loo sheegay inuu heli doono mushaar kordhin deg deg ah haddii uu u saxiixo heshiis cusub kooxdiisa.

Laakiin xaaladiisa Arsenal ayaa weli u muuqata mid aan la xalin, iyadoo kooxo badan ay qiimeynayaan sida ay wax usocdaan.

Alex Oxlade-Chamberlain

Daily Mail ayaa intaa ku dartay in kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester City ay dhamaantood xiiseynayaan ciyaaryahanka boosaska badan ka ciyaara ee Oxlade-Chamberlain.

Express Sport ayaa ogaatay in tababaraha Liverpool Jurgen Klopp uu ku doonayo Oxlade-Chamberlain lacag dhan £ 40m.

Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez ayaa weli ogolaan heshiiyo cusub in ay u saxiixaan kooxda Arsenal, iyadoo shaki weyn uu kujiro mustaqbalka Jack Wilshere, Kieran Gibbs iyo Wojciech Szczesny.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan