Chelsea oo laga aqbalay dalab ay ka gudbisay daafaca bidix ee ugu fiican horyaalka talyaaniga – La Repubblica ayaa qoreysa.

0
1722

La Repubblica ayaa si daran kaga farxisay jamaahiirta Chelsea markii ay soo warisay in Chelsea iyo Juventus ay ku heshiiyeen iibka daafaca bidix ee xulka qaranka Brazil Alex Sandro.

Antonio Conte ayaa la fahansan yahay inuu weerar ku qaaday kooxdisii hore isagoo damacsan inuu helo adeegga Sandro oo ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan horyaalka talyaaniga.

Sida warbixinta lagu sheegay labada kooxood waxey ku heshiiyeen aduun dhan 60 Malyan oo Pound taas oo ka dhigan inuu ka mid noqon doono saxiixyada ugu qaalisan ee kooxda galbeedka London ka dhisan ay sameyso taariikhda.

Sidoo kale La Repubblica waxey soo warisay in Chelsea ay heshiis shaqsi ah la gaartay Alex Sandro kaas oo ogolaaday inuu ku biiro kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League, balse Bianconerri waxey u dhaqaaqi doontaa Benjamin Mendy oo ka tirsan Monaco si uu badalkiisa u noqdo.

Dhanka kale xurguftii maamulka Blues iyo Antonio Conte ayaa u muuqan doonta mid soo idlaata hadii sheekada ay soo warisay La Repubblica ay noqoto mid hirgasha madama xidigaan uu ka mid yahay xidigaha uu shuruud uga dhigay inuu saxiixo heshiis cusub waxaana kula lamaansan Bokayoko iyo Lukaku.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan