Chelsea oo sii diyaarsatay tababarahii badali lahaa Antonio Conte hadii uu go’aansado inuu baxo – Waa kuma?

0
1130

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaan la ogeyn sida uu ugu sii nagaan karo Stamford Bridge, balse kooxda ka dhisan galbeedka London waxey sii diyaarsatay badalkiisa sida ay warineyso jariiradda Telegraph.

Maamulka Blues oo uu ugu horeeyo milkiile Roman Abramovich iyo Antonio Conte ayaa qoorta iskula jira waxaana la isku maandhaafay dhawr arimood oo ay ugu weyn tahay dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo arinta Diego Costa.

Antonio sidoo kale wuxuu kooxda ku xiray shuruud ah in loo soo iibiyo ciyaartoy ay ka mid yahiin: Romelu Lukaku, Alex Sandro iyo Bokayoko si uu qandaraas cusub u saxiixo, balse lama hubo in wadahadalada labada dhinac ay mar walba guuleysan karaan.

Warbixinta ay qortay Telegraph waxaa lagu sheegay in Roman Abrammovich uu goor hore calaamadsaday tababarahii hore Barcelona Luis Enrique kaas oo xagaagan isaga tagay Camp Nou.

Macalinka reer Spain sadex sano kadib ayuu isaga tagay Barcelona isagoo qaanadda koobabka koxda kusoo xareeyay 9-koob iyadoo ay xusid mudan tahay in 2015 uu u hogaamiyay sadexley koobab taariikhi ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan