Chile oo guul weyn ka heshay Cameroon kulan Vidal & Vargas ay shabaqa soo taabteen.

0
1065

Laba gool oo ay kala dhaliyeen qeybahii ugu dambeeyay ciyaarta dhaliyay Arturo Vidal Iyo Eduardo Vargas ayey Chile guul kaga gaareen xulka Cameroon kulankii ugu horeeyay koobka Confederation Cup, waxeyna hogaanka u qabteen groupka B oo ay kula jiraan Australia iyo Germany.

Daqiiqadii 1-aad: Eduardo Vargas ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Chile daqiiqadahii ugu horeeyay markii uu kubad awood leh goolka aadiyay isagoo ku jira xerada ganaaxa, balse birta ayaa ka beenisay.

Daqiiqadii 3-aad: Jose Fuenzalida ayaa halis galiyay goolka Cameroon markii uu si qurux badan uga xariiftamay hal daafac ka hor inta uusan darbad la beegsan goolka balse goolhaye Ondoa ayaa si adag uga badbaadiyay.

Daqiiqadii 10-aad: Vincent Aboubakar ayaa helay fursad uu hogaanka ugu dhiibi karay Cameroon markii uu kubad la galay xerada ganaaxa, balse kubadii uu goolka aadiyay goolhaye Herrera ayaa ka badbaadiyay.

Daqiiqadii 13-aad: Goolhaye Ondoa ayaa mar kale ka hor istaagay ciyaartoyda Chile iney gool dhaliyaan isagoo si adag isaga saaray kubad uu dhinaca ka keenay Isla.

Daqiiqadii 27-aad: Goolhaye Ondoa ayaa mar kale si tartiib ah isaga saaray kubad uu Edson Puch uu damcay inuu la dhaafo, fursadii Chile waa qasaartay.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro gool la’aan ah inkastoo Eduardo Vargas laga diiday gool lagu tilmaamay garab dhaaf.

Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada xul aysan wax isbadal ah ku sameyn safkii ay kuso galeen.

Chile ayaa halkeedii kasii bilowday iney cadaadis saarto goolka Cameroon, walow wiilasha qaaradda Africa kasoo jeeda ay qudhooda kaalintooda qaadanayeen.

Daqiiqadii 72-aad: Isla ayaa u dhawaaday inuu shabaqa ku leexiyo kubad koornaha ka timid, balse madaxii uu goolka aadiyay dhinaca ayey ka martay.

GOAL! Daqiiqadii 83-aad: Arturo Vidal ayaa hogaanka u dhiibay Chile – markii madax awood leh shabaqa dhex dhigay isagoo ka faa’ideystay kubad uu dhinac ka keenay Alexis Sanchez.

GOAL! Daqiiqadii 90-aad: Eduardo Vargas ayaa dhaliyay goolka labaad ee Chile markii uu si fudud uga faa’ideystay kubad uu markii hore rafaadiyay Alexis Sanchez.

Natiijada ciyaarta ayaa noqotay mid kusoo idlaata 2-0, oo ay guusha ku raacday Chile – wiilasha Afrika ka yimaada waxey qaateen guuldaradii ugu horeysay koobka Confederation Cup.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan