Ciyaaryahan caan ah oo xabsi loo dhigay fool xumo aan la aamini karin

0
8106

Foolxumada iyo fadeexadaha ayaa inta badan saameyn ku yeesha xifadda ciyaartooyda waaweyn ee dunida.

Lunsiga casnhuurta, qiyaanada lacagaha cadaanka ah iyo fadeexadaha la xiriira galmada ayaa sannadihii dambe hareynayay ciyaartooyda caanka ah ee kubadda cagta.

Laakiin waxaa dhif ah in ciyaartooy lagu soo edeeyo fal la xiriira kufsi bareer ah, taasoo ah xadgudubka ugu weyn ee uu sameeyo qof bani,aadam ah.

ciyaaryahanka Valencia Santi Mina ayaa hadda xabsiga ugu jira fadeexda kufsi ah oo lagu soo eedeeyay, iyadoo xitaa cadeymo loo hayo sida ay wararka sheegayaan.

Santi Mina ayaa lagu xiray habeenkii khamiista xabsi ku yaala Garrucha, oo katirsan magaalada Almeria.

Inkastoo subaxnimadii Jimcihii lagu sii daayay damiin, haddana waxa uu sugayaa in garsoorayaasha maxkamadda go’aan ka gaaraan dhacdada lagu soo eedeeyay.

Sida laga soo xigtay Cadena Ser, waxaa dacwad toos ah kasoo gudbisay gabar ay saxiibo ahaayeen ciyaaryahanka ka hor inta uusan isagoo cabsan ku xadgudbin,

Santi Mina ayaa lasoo bandhigay muuqaalo isagoo qaawan oo sameeynaya galmo, inkastoo dibad aan lasoo dhigin muuqaaladaas foosha xun.

kooxdiisa Valencia ayaa u sheegtay xiriirka EFE in ay ka warqabin eedeymaha loo heysto 21-sano jirkaan, laakiin ay sameyn doonaan baaritaano dheeraad ah.

Valencia ayaa ka codsatay xiriirka in la siiyo waqti ay su,aalo ku weydiiyaan ciyaaryahankooda Santi Mina, si ay u ogaadaan xaqiiqada jirta.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan