Daaficii hore ee Talyaaniga Paolo Maldini oo ku soo biiray xirfadleyaasha Ciyaarta Tennis-ka

0
698

Daaficii hore ee xulka Qaranka Talyaaniga iyo kooxda AC Milan, Paolo Maldini ayaa ku baasay tijaabadii ugu dambeeysay ee loogu aqoonsaday in wixii haatan ka dambeeya uu yahay xirfadle  ka qayb geli doona tartammada Caalamiga ah ee Kubadda Tennis-ka.

Maldini oo 48 sano jir ah ayaa waxa uu dheelay kulankiisii ugu horreeyay ee heer sare ah (ATP Challenger Tour) ee lagu qabtay Magaallada Milano.

Paolo Maldini ayaa ciyaari doona Tennis-ka laba labada qofood loo dheelo waxaana ay iska garab ciyaari doonaan Macallinkiisa Stefano Landonio oo 45 jir ah.

Waxaa dhici karta in haddii Maldini uu dadaalo lagu arki doono Tartammada waaweyn sida Wimbeldon Tennis.

Maldini oo ku xamaalan jiray ciyaarta Kubadda Cagta ayaa waxa uu AC Milan uu u soo ciyaaray 600 kulan, halka Talyaanigana uu u saftay 126 kulan ciyaarood.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan